Dr. Abdinasir oo sheegay inuu diyaar u yahay hoggaanka dalka

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Musharax Madaxweyne Dr. Abdinasir Abdille Mohamed oo xalay ka qeyb galay casho sharaf mahadcelin ah oo uu u sameeyey xubnaha Xisbiga Gurmad ee Muqdisho kaalintii muhiimka ahayd ee ay ku lahaayeen soodhaweynta maalintii Jimcaha ayaa sheegay inuu diyaar u yahay baratanka hoggaanka dalka.

Wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed aysan haysan adeegyadii dowladnimo ee ay mudnaayeen taasoo ku kalliftay inuu markale iskusoo taago inuu qabto hoggaanka Soomaaliya.

"Walaalayaal waxaan rabnaa inaan ka wada shaqeyno sidii dalkeenna iyo dadkeennaba ay uga bixi lahaayeen dhibta waana mid loo baahanyahay in laga wada shaqeeyo, taasina waxay ku imaanaysaa in hoggaanka Soomaaliya uu noqdo mid aragtida Shacabka ku shaqeeya”.

Musharax Madaxweyne Dr. Abdinasir ayaa ifafaalo ka muujiyey sida uu ugu hanweynyahay inuu qaban doono hoggaanka dalka lana imaan doono isbeddel iyo aragtiyo cusub oo Soomaaliya u horseedi doonta horumar iyo nabad waarta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Akhriso Go’aamada kasoo baxay Shirka dardargelinta dhameystirka hawlgalka Calmiskaad

Shirka oo ay ka qeybgaleen Saraakiisha Amniga iyo heerarka kala duwan ee masuuliyiinta Dowladda ee ka shaqeynaya hawlgalka.

  • War Saxaafaded

    24-04-2025

  • 02:27PM

Villa Somalia oo Fahfaahin ka bixisay heshiis Xasan Sheekh la galay Masar

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la dardar-geliyo wada shaqeynta Hay'adaha Labada dal.

  • War Saxaafaded

    23-01-2025

  • 02:44PM