Farmaajo oo magacaabis sameeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Farmaajo ayaa Xeer Madaxweyne ugu magacaabay Prof. Maxamed Cabdullaahi Ciise (Dheere) inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka.

Prof. Maxamed Dheere ayaa xilligan muhiimka ah kusoo biirinaya maamulka Xafiiska Madaxweynaha khibrad shaqo oo kor u dhaafaysa 28 sanadood, wuxuuna si gaar ah uga soo shaqeeyay arrimaha siyaasadda, maamulka iyo horumarinta bulshada.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Agaasimaha cusub inuu si hufan u guto hawlaha muhiimka ah ee haatan horyaalla, wuxuuna Alle uga baryay inuu u fududeeyo masuuliyaddan culus ee loo igmaday.

Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Agaasimihii hore oo haatan loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisaciid Muuse Cali sidii xilkasnimada ahayd ee uu usoo hoggaamiyay Xafiiskan muddadii koobnayd ee uu xilka hayay.

DHAMMAAD

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM