Farmaajo oo shaaciyay labo arin oo lagu nabadeyn karo Gaalkacyo

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAALKACYO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku guda jira socdaalka nabadda ee uu ku marayo qeybo ka mid ah gobollada dalka ayaa gaaray magaalada Gaalkacayo ee xarunta Gobolka Mudug.

Soodhaweynta Madaxweynaha ee Galkacyo waxaa ka qeyb qaatay Kumannaan shacab oo isugu soo baxay fagaareyaasha magaalada iyaga oo ruxaya calanka Jamhuuriyadda, kuna dhawaaqaya ereyo ay ku muujinayaan dareenka faraxadeed ee ay u hayaan booqashada Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacayo waxaa salaan sharaf siiyey cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay muddada uu joogo magaalada Gaalkacyo in uu dardar gelin doono dadaallada dib u heshiisiinta iyo nabadeynta magaalada oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay bilihii u dambeeyay wax badan ka qabatay.

“Waxaan dooneynaa in aan ka shaqeyno sidii magaaladan ay ku noqon lahayd meesha ay ka bilaabato nabadeynta iyo dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed, annaga oo meesha ka saareyna kala qeybsanaanta jirta.”

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku suganyahay Gobolka Mudug waxa uu kulamo wadatashi ah la yeelan doonaa masuuliyiinta heer Gobol iyo heer Degmo, duubabka dhaqanka, ganacsatada, culumada, iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Masuuliyiintii Madaxweynaha kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee magaalada Galkacyo waxaa ka mid ahaa, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Cabdiweli Jaamac Xuseen Gorod, xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka iyo masuuliyiin heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Akhriso Go’aamada kasoo baxay Shirka dardargelinta dhameystirka hawlgalka Calmiskaad

Shirka oo ay ka qeybgaleen Saraakiisha Amniga iyo heerarka kala duwan ee masuuliyiinta Dowladda ee ka shaqeynaya hawlgalka.

  • War Saxaafaded

    24-04-2025

  • 02:27PM

Villa Somalia oo Fahfaahin ka bixisay heshiis Xasan Sheekh la galay Masar

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la dardar-geliyo wada shaqeynta Hay'adaha Labada dal.

  • War Saxaafaded

    23-01-2025

  • 02:44PM