Farmaajo oo soo bandhigay aragtidiisa Is-casilaadda Jawaari

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Guddoomiye Jawaari, tanaasulka uu sameeyey iyo go'aanka shuruud la'aanta ah ee uu u qaatay danta dalka.

Madaxweynaha oo shir jaraa'id ay si wada jir ah u qabteen Guddoomiyaha xilka iska casilay ee Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa kula dar daarmay in uu sii wado dadaallada uu ku bixinayo dowlad dhisidda Soomaaliya.

"Waxaan ku dhiirrigelinayaa Mudane Jawaari inuu halkiisa kasii wado dadaallada uu ku bixinayo dowlad dhisidda Soomaaliya, gaar ahaan qabyo tirka Dastuurka, waxaana dowladda iyo shacabkaba ka filayaan talo bixin iyo toosin joogta ah."

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, muddadii dheerayd ee uu u soo shaqeeyay dalka iyo waqtiga uu ku bixiyey dowladnimada.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa faray Xukuumadda in ay sii labo laabto dadaalkeeda, maadaama ay horyaallaan hawlo culus oo ay kamid yihiin sugidda amniga iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale, Baarlmaanka waxa uu u jeediyey in ay dardar geliyaan meel marinta hindise sharciyeedyada ay xukuumadda u soo gudbisay ee ahmiyadda u leh howlaha dowladda iyo in ay kor joogteeyaan Hay'adaha kala duwan ee Dowladda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan dowladdooda, ayna la shaqeeyaan hay'adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgalyada.

GAROWE ONLNE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM