Farmaajo oo war kasoo saarey doorashada Maxamed Mursal

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha la doortay ee Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Guddoonkii KMG ahaa ee Golaha Shacabka, Guddigii Doorashada iyo Xildhibaannada Baarlamaanka sida ay u guteen waajibkooda dastuuriga ah, waxa uuna Madaxweynuhu tilmaamay in dhacdadani ay calaamad u tahay dimuqraadiyadda xoogeysaneysa ee ka jirta dalka.

“Hamabalyo ayaan leeyahay Guddoomiyaha cusub ee maanta la doortay, sidoo kale waxaan u hambalyeynaa Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka sharafta leh, iyo Shacabka Soomaaliyeed. Guddoomiyaha la doortay waxaan Alle uga rajeyn in uu u fududeeyo shaqada culus ee loo igmaday” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale bogaadiyey musharixiinta kale ee u tartamay xilka Guddoomiyaha, waxa uuna sheegay in sida ay u tartameen ay muujineyso in dalkeennu la jaan-qaaday hannaanka hufan ee ku saleysan dimuqraadiyadda, iyo hufnaanta, taas oo dalka horumar gaarsiineysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM