Hormuud Salaam Foundation oo 1,000 Carruur oo Agoon ah gaarsiiyay deeq lacag ah

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO - Munaasabad ka dhacday xarunta hey’ada Hormuud Salaam Foundation ee magaalada muqdisho ayaa waxaa lagu gudoonsiiyay caruur agoon ah kuwaaso ku kala jira xarumaha lagu xanaaneeyo agoonta.

Cabdiraxman Ibrahin Cilimi Kobac, guddoomiye ku xigenka Hormuud Salaam Foundation oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in Lacagta loo qaybiyey carruurtan Agoonta ah ayaa sheegay in loogu talagalay in ay ku kaalmeystaan Qoysaska ay Carruurtan ka soo jeedaan Afurka iyo Ciidda wuxuu sheegay in tallabadan tahay tahay waajib bulsho oo saran cid kasta oo wax ka tari karta nolasha dadka aan waxba heysan gaar ahaan Agoonta, isaga oo intaa ku darray in carruur badan oo Agoon Soomaaliyeed ah ay u baahan yihiin caawin iyo garab istaag mar haddii ay waayeen aabeyaashood ayna ka bannaanaatay kaalin weyn.

Cabduqaadir Muxumed oo u hadlay u hadlay xarumaha laga soo xulay agoonta oo ka kahadlay munaasabadda ayaa sheegay in kaalmaada ay Hormuud Salaam Foundation siisay agoonta ay ka caawin doonto Afurka iyo farxadda ciidda taas oo uu sheegay in ay yihiin arrimaha ugu muhiimsan ee ay hadda ka welwelsan yihiin qoysaska haysta carruurta agoonta ah oo ay yartahay cid caawisa.

Nuuro Cali Yare oo dhankeeda ka socotay xarun lagu haayo agoon iyo dad danyar ayaa bogaadisay garab istaaga iyo caawinta dadka aan waxba heysan ay hormuud salaam foundation siisay.

Tan iyo markii ay bilatay bisha Ramadaan hay’adda Hormuud Foundation ayaa wadday mashaariic lagu gargaarayo dadka kaalmada u baahan, agoomaha, maxaabiista, dhadka dhimirka la’ iyo haweenka danta yar.

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM