Hormuud Salaam Foundation oo $5,000 ugu deeqdey Hooyo Maryan [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO - Hormuud Salaam Foundation ayaa maanta ugu deeqdey Hooyo Maryan Maxamed Xasan lacag dhan shan kun dollar , taas oo dhawaan ku dhashay 4 Gabdhood oo Mataano, Isbitaalka Banaadir ee Mgalaada Muqdisho.

Munaasabada waxaa goobjoog ka ahaa, masuuliyiinta kala ah, Mrs Zahra Mohamed Ahmed, Agaasimaha SWDC, Mrs Fartun Sharif Mohamed, Agaasimaha Isbitaalka Banaadir, iyo Gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation Mr Abdullahi Nur Osman, iyo Miss Jamila Isse Mohamed, Madaxa muulka iyo maaliyada ee Hormuud Salaam Foundation.

Hooyo Maryan oo ah qof danyar ah oo ku nooleyd Baadiyaha Degamda Cadale ee Gobolka Sh/ Dhexe, ayaa haatan waxaa la dejiyey si kumeel gaar ah Xarunta SWDC ee degmada Dharkeenleey.

Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay Mrs Maryan Taqal , oo ka mid ah masuuliyiinta SWDC, Maryan Taqal ayaa soo dhaweeysey masuuliyiintii iyo madaxdii goobta joogtey, waxaana aay sheegety ineey Hooyo Maryan iyo caruurteeda ku xanaaneeyaan xarunta, ayna xaaladooda fiican, marki laga reebo laba ka mid ah caruurta oo dib loogu celiyey Isbitaalka Banaadir, ka dib markii aay xoogaa xanuunsadeen, haatana xaaladooda aay wanaagsan tahay.

Gudoomiye ku xigeenka Hormuud Salaam Foundation, Mrs Raaxo Xuseen Xirsi , oo gudoonsiisey lacagta Hooyo Maryan ayaa sheegtey in Hormuud Salaam Foundation aay la socon doonto xaalada Hooyo Maryan iyo caruurteeda, Kaalmadaana aanay noqon doonin midii ugu danbeeysey, oo aay ka warqabi doonaan, ayna diyaar ula yihiin ineey ka gacan siiyaan duruufaha ku xeeran.

Hooyo Maryan opo goobta ka hadashay, ayaa uga mahad celisey Hormuud Salaam Foundation, kaalmada dhaqaale ee ay u keeneen, waxaana aay sheegety ineey ku faraxsan tahay booqashada iyo caawintaba.

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM