Hormuud Salaam Foundation oo deeq lacag ah gaarsiisay xarunta Maamo Ugaaso

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hormuud Salaam Foundation ayaa deeq lacageed waxa ay gaarsiisay xarunta Maama Ugaaso oo lagu xanaaneeyo Carruur lagasoo kala aruuriyay wadooyinka Muqdosho kuwaasi oo ahaa darbi jiif.

Deeqdaan oo isugu jirta lacag iyo timir ayaa hay’adu ugu tala-gashay in wax loogu qabto baahiyaha ka jira xarunta oo lagu daryeelo Carruurta danyarta ah oo ku taala Magaalada Muqdisho.

Gudoomiye Ku xigeenka hay’ada Hormuud Salaam Foundation Raaxo Xuseen Xirsi oo ka hadlay munaasabada deeqda lacagta ayaa sheegay in lacagtan loogu talagalay in wax looga qabto xarunta maadaama lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Siraad Maxamed Nuur [Maamo Ugaaso], oo xanaaneyso Carruurtan ayaa kaga mahad celisay hay’adda Hormuud Salaam Foundation deeqda lacageed oo ay soo gaarsiisay, iydoo tilmaamtay inay tahay hey’ada kaliya ee soo xasuusata marka la gaaro bisha Ramadaan.

Carruurta lagu haayo xarunta oo hada barta quraanka ayaa uga mahad celiyay Hormuud Salaam Foundation booqashada ay soo booqatay.

Hormuud Salaam Foundation waxaa maalmihii la soo dhaafay ay ka wadeen gudaha Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, gargaar isugu jira Raashin iyo lacag, waxaana ka faa’iideystay dad aad u fara badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qiimeynta Xaaladda Dalka, Dadka iyo Dowladnimada Soomaaliya: 3 Sano iyo 3 Bilood Kadib Doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa lagu doortay, laguna dhaariyay dastuur heshiis lagu yahay oo ku qotoma hannaan federaal ah.

  • War Saxaafaded

    20-08-2025

  • 01:33PM

Akhriso Go’aamada kasoo baxay Shirka dardargelinta dhameystirka hawlgalka Calmiskaad

Shirka oo ay ka qeybgaleen Saraakiisha Amniga iyo heerarka kala duwan ee masuuliyiinta Dowladda ee ka shaqeynaya hawlgalka.

  • War Saxaafaded

    24-04-2025

  • 02:27PM