Ingiriiska oo 10 milyan doolar ugu deeqay Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda UK ayaa Soomaaliya ugu deeqday in ka badan10 milyan oo dollar oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka abaaraha saameeyeen.

Wasiirka arrimaha Afrika ee UK Vicky Ford ayaa maanta ku dhawaaqday in 10.7 milyan oo dollar ay ugu talagaleen dadka Soomaaliyeed, lacagtan ayaa qeyb ka ah 22 milyan oo dollar oo dowladda UK ugu deeqday dalalka; Soomaaliya, Ethiopia, Kenya iyo Suudaanta Koofureed oo abaaro ba’an ka jiraan xilligan.

War saxaafadeed ka soo baxay safaaradda UK ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ku dhowaad 500,000 oo qof oo Soomaali ah u baahan yihiin in laga caawiyo helitaanka biyaha iyo cuntada si naftooda loo badbaadiyo isla markaana loo yareeyo khatarta macluusha ka dhalan karta abaarta.

Go’aankan dowladda UK ayaa yimid xilli wasiirka Afrika ay safar ku marayso dalka Kenya safarkaas oo qeyb ka ah socdaal ay ku marayso sadex dal oo ku yaala Afrikada bari.

Lacagtan ayay dowladda UK ku sheegtay in qoysaska abaaraha saameeyeen la siin doono si ay ugu iibsadaan cuntada iyo waxyaabaha kale oo ay u baahan yihiin.

 

Related Articles

Qiimeynta Xaaladda Dalka, Dadka iyo Dowladnimada Soomaaliya: 3 Sano iyo 3 Bilood Kadib Doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa lagu doortay, laguna dhaariyay dastuur heshiis lagu yahay oo ku qotoma hannaan federaal ah.

  • War Saxaafaded

    20-08-2025

  • 01:33PM

Akhriso Go’aamada kasoo baxay Shirka dardargelinta dhameystirka hawlgalka Calmiskaad

Shirka oo ay ka qeybgaleen Saraakiisha Amniga iyo heerarka kala duwan ee masuuliyiinta Dowladda ee ka shaqeynaya hawlgalka.

  • War Saxaafaded

    24-04-2025

  • 02:27PM