Khayre oo dhagax-dhigay Mashruuc dhismo oo Qadar maalgelinayso [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta daah-furay mashruuca dhismaha waddooyinka isku xira Muqdisho iyo magaalooyinka Jowhar iyo Afgooye ee maamul gobaleedyada Hir-shabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ay wehliyaan madaxwaynayaasha Hir-shabeelle iyo koonfur Galbeed ayaa sheegay in hoggaanka dalku uu ku faraxsanyahay billaabashada mashuurcaan oo muhiim u ah qorshaha horumarinta dalka, isaga oo u mahadceliyay dawladda Qatar oo bixinaysa qarashka lagu dhisayo waddooyinka iyo dawladda Turkiga oo ku guulaysatay qandaraaska dhismaha.

Ra’iisul Wasaaraha oo raja wayn ka muujiyay in waddooyinkaan ay lamid noqdaan waddooyinka casriga ah ee caalamka, ayaa sheegay in dhismaha waddooyinkaani uu yahay mashruucii ugu waynaa ee dalka laga fuliyo intii xukuummaddu jirtay, uuna qayb muhiim ah ka yahay soo noolaynta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

“Maanta waa maalin iftiin cusub u ah ganacsatada iyo beeralayda labada Shabeelle oo ay u dhib-yaraan doonto mustaqbalka in ay ganacsadaan. Maanta waa maalin inftiin u muujinaya dhammaan ummadda Soomaaliyeed, sababta oo ah shaqadii ay soo billaawday xukuumadda laba sano ka hor ayaa mira dhashay, laba sano kadibna waxaa la arki noonaa mashruucyadaan oo dhammaaday”, ayuu yiri Ra’iisl Wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoggaanka maamul gobaleedyada Hir-shabeelle iyo Koonfur Galbeed, ciidanka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay la shaqeeyaan shirkadaha dhisaya waddooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Akhriso Go’aamada kasoo baxay Shirka dardargelinta dhameystirka hawlgalka Calmiskaad

Shirka oo ay ka qeybgaleen Saraakiisha Amniga iyo heerarka kala duwan ee masuuliyiinta Dowladda ee ka shaqeynaya hawlgalka.

  • War Saxaafaded

    24-04-2025

  • 02:27PM

Villa Somalia oo Fahfaahin ka bixisay heshiis Xasan Sheekh la galay Masar

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la dardar-geliyo wada shaqeynta Hay'adaha Labada dal.

  • War Saxaafaded

    23-01-2025

  • 02:44PM