Madaxda Maamulada oo u kala saftay Farmaajo iyo Rooble

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) wuxuu caddeynayaa in uusan kasoo qeybgali doonin Shirka uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble.

Go’aankan wuxuu ka dhashay keddib markii lagu xadgudbay madaxbannaanida Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo 7 xubnood laga saaray iyo Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Federaal oo shalay la kala qeybiyay.

Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay diyaar u tahay ka qeybgalka baaqa Madaxweynaha si looga tashado sidii lagu samatabixin lahaa geeddiga socodka doorashooyinka dalka.

Jubbaland iyo Puntland ayaa la saftay Rooble, waxayna sheegeen inay ka qeybgali doonaan shirka uu Ra'iisul wasaraha iclaamiyay, kaasoo loo balansan yahay Berri, Dec 27. Lama hubo inuu dhici doono.

Khilaafka cusub ayaa dalka gelinaya hubanti la'aan iyo jahwareer siyaasadeed, oo ka dhalan karta inuu dagaal dhaco, maadaama loolan dhanka awoodda ah uu ka dhex aloosan yahay Madaxda sare.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM