Madaxweynaha DF oo aqoonsiga ka guddoomey safiirka Serbia

Image

February 3, 2015 (GO)-  Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada warqadihii aqoonsiga kaga guddoomay danjiraha dalka Serbia u fadhin doona Soomaaliya Mr Ivan Zikovic.

Madaxweynaha ayaa danjiraha cusub u xaqiijiyey in Soomaaliya ay soo dhoweyneyso in xiriirka labada dal uu noqdo mid iskaashi oo gacan ka geysta dib u soo kabashada Soomaliya.

”Wan ku faraxsanahay inaan Soomaaliya kugu soo dhoweyno. Dowladeyda diyaar ayay u tahay inay si buuxda kuula shaqeyso si aad waajibaadkaaga u gudato. Waxan filayaa inaad taageero badan naga siin doontaan adeegyada kala duwan ee ku burburey dagaaladii sokeeye”.

Danjire Zikovic oo isna halkaasi ka hadley ayaa sheegay in dalkiisa uu Soomaaliya kala kaashan doono adeegyada waxbarashada, beeraha, tababarka mihnadaha dhalinyarada, sayniska,caafimaadka iyo kuwo kale oo horumarineed.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey danjiraha adeegyada Serbia ay dooneyso inay kala shaqeyso Soomaaliya , isagoo si gaar ah u xusey muhimadda tababarada mihnadaha u leeyihiin dhalinyarada Soomaaliyeed.

”Muhimad balaaran ayay inoo leedahay tababarada mihnadaha. Horumar badan ayaan ka sameyney laamaha kala duwan ee waxbarashada, laakiin tababarka mihnadaha ayaa u baahan in la sii xoojiyo si shaqo loogu abuuro dhalinyaradeena. Waa hubaal in haddii gacan balaaran la inaga siiyo dhinacyada mihnadaha iyo sayniska in wax badan oo horumar ah laga dareemi doono waddanka”.

Munaasabadda uu madaxweynaha danjire Zikovic kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr Cabdiraxmaan Beyle Ducaale.

DHAMAAD

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM