​Madaxweynaha Jubbaland oo gaarey Doolow [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

DOOLOW, Somalia - Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Safar shaqo maanta ku tagay Magaalada Doolow ee Gobolka Gedo.

Gudoomiyaha Gobolka Gedo Xubno katirsan labada gole ee Dowlada iyo Masuuliyiin kale ayaa Safarkan Madaxweynaha ku wehelinayay.

Wasiirka Amniga Mudane Cabdirashiid Janan iyo Maamulka Magaalada ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha ee Doolow.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in safarkan uu la xiriiro amaanka deegaanka iyo sidii loo dardar galin lahaa dagaalka lagula jiro Argagixisada.

Mudada uu Safarka shaqo ku jiro ayuu sheegay in ay la kulmi doonan qaybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Akhriso Go’aamada kasoo baxay Shirka dardargelinta dhameystirka hawlgalka Calmiskaad

Shirka oo ay ka qeybgaleen Saraakiisha Amniga iyo heerarka kala duwan ee masuuliyiinta Dowladda ee ka shaqeynaya hawlgalka.

  • War Saxaafaded

    24-04-2025

  • 02:27PM

Villa Somalia oo Fahfaahin ka bixisay heshiis Xasan Sheekh la galay Masar

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la dardar-geliyo wada shaqeynta Hay'adaha Labada dal.

  • War Saxaafaded

    23-01-2025

  • 02:44PM