Muqdisho oo looga dabaaldegay munaasabada 1-da Luulyo

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo weynaynaya Todobaadka Xorriyadda, midnimada iyo geesiyaashii naftooda u huray halgankii gobonnimo doonka dalkeenna ayaa ubax dhigay Taallada Dhagaxtuur oo ka mid ah xusuusaha halgankii dadka Soomaaliyeed ay iskaga dulqaadeen heeryadii gumeysiga.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 01-da Luuliyo oo ku beeggan xorriyaddii Gobollada Koonfureed iyo Midowga Waqooyi iyo Koonfur, isaga oo soo muujiyey qiimaha weyn ee maalintan ay u leedahay Umadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, iyada oo Ciidamada Baambayda ay ku maamuusayeen heesta Calanka iyo Astaanta Qaranka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa gaaray Taallada Halgameyaashii Ururkii gobonimo doonka ee SYL, halkaas oo uu xus iyo duco ugu sameeyey dhallinyaradii 13-ka ahaa ee horseeday xornimada iyo midnimada dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ku guugaabiyay in ay ilaashaadaan taariikhdoodii gobanimo doonka oo astaan u ah geesinimada, go’aan adaygga iyo kartida Umadda Soomaaliyeed.

Munaasabadda Ubax-dhigga Taallada Dhagaxtuur waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Filish iyo Ku-xigeennadiisa, Wasiirro ka tirsa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Guddiyada Heer Federaal iyo Heer Gobol ee Xuska 60-guurada Xornimada iyo Midnimada.

Villa Soomaaliya

Related Articles

Qiimeynta Xaaladda Dalka, Dadka iyo Dowladnimada Soomaaliya: 3 Sano iyo 3 Bilood Kadib Doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa lagu doortay, laguna dhaariyay dastuur heshiis lagu yahay oo ku qotoma hannaan federaal ah.

  • War Saxaafaded

    20-08-2025

  • 01:33PM

Akhriso Go’aamada kasoo baxay Shirka dardargelinta dhameystirka hawlgalka Calmiskaad

Shirka oo ay ka qeybgaleen Saraakiisha Amniga iyo heerarka kala duwan ee masuuliyiinta Dowladda ee ka shaqeynaya hawlgalka.

  • War Saxaafaded

    24-04-2025

  • 02:27PM