MAP oo Cambaarayey Hawadda Kasaarista Golis Ku Samaysay Shan Mareegood

Image

Garoowe, Puntland, Soomaaliya:- 20 Jan 2015:- Ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP wuxuu cambaaraynayaa talaabada shirkada isgaariinta Golis hawadda Puntland uga saartay ugu yaraan shan mareegood (Websites), dhammaadkii bishii October 2014.

Mareegaha oo kala ah Puntlandtoday.com, Galgalanews.com, Puntlandnow.com, Jidbaale.com and Xaysimo.com ayaa hawadda laga saaray kadib markii shirkadda ay soo gaadhay warqad kasoo baxday xafiiska warfaafiinta madaxtooyada Puntland tasoo shirkadda ku amraysa xirida mareegahaas xukun maxkamad la’aan.

“Waxaanu shirkadda isgaadhsiinta Golis ugu baaqaynaa inay mareegahaas si shuruud la’aan ah hawadda ugu soo celiso, xiritaanka mareegahan waxay calaamad madoow ku noqonaysaa xoriyadda saxaafada Puntland,” ayey tiri Faadumo Maxamed, Xoghayaha Guud ee ururka MAP.

“Waxaa nasiib daro ah inaan go’aan kan lala socodsiin wasaarada warfaafinta dawladda Puntland, Ururka suxufiyiinta Puntland, maxkamadaha iyo dhamaan hay’addaha ay khusayso arrintani taasoo xadgudub kale ah”. 

Ururka MAP wuxuu aaminsanyahay in wadadii loo maray xiridda mareegahaasi ay ahayd mid aan waafaqsaneyn , Dastuurka dalka , xeerarka xor-u hadalka , madax baaanaanida saxaafadda iyo Xuuuqul insaanka aduunka. 

Falka ayaa ka mid noqonayaa tacadiyada ka dhanka ah xoriyadda saxaafada ka jirta ee dalka Soomaaliya.

-----Dhammaad-----

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM