Maxaa diiradda lagu saarey Shirka Gollaha Wasiiradda Soomaaliya?

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwaynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Kulanka golaha wasiirrada ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xariira shaqooyinka ay qabtaan tubaha horumarinta arrimaha bulshada, Amniga iyo caddaaladda, siyaasadda loo dhanyahay iyo tubta horumarinta dhaqaalaha iyo shaqooyinka hor-tebinta leh ee u yaalla tubaha hawlaha lagu guulaystay qabashadooda.

Madaxwayne Farmaajo ayaa ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo xukuumadiisa ku ammaanay shaqada wanaagsan ee ay qaranka u hayaan isaga oo sheegay in wada shaqaynta wanaagsan ee madaxda qaranku ay sabab u tahay wanaajinta shaqada xukuumadda iyo taabba gelinta qorshaha qaranka.

Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo xukuumaddiisa kula dardaarmay in ay sii laba jibbaaraan shaqada ay u hayaan ummadda Soomaaliyeed si guul looga gaaro fulinta qorshayaasha qaranka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qiimeynta Xaaladda Dalka, Dadka iyo Dowladnimada Soomaaliya: 3 Sano iyo 3 Bilood Kadib Doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa lagu doortay, laguna dhaariyay dastuur heshiis lagu yahay oo ku qotoma hannaan federaal ah.

  • War Saxaafaded

    20-08-2025

  • 01:33PM

Akhriso Go’aamada kasoo baxay Shirka dardargelinta dhameystirka hawlgalka Calmiskaad

Shirka oo ay ka qeybgaleen Saraakiisha Amniga iyo heerarka kala duwan ee masuuliyiinta Dowladda ee ka shaqeynaya hawlgalka.

  • War Saxaafaded

    24-04-2025

  • 02:27PM