Maxaa looga hadlay kulanka Khayre iyo Ismaaciil Cumar Geelle?

Image

DJIBOUTI CITY, Jabuuti - Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa saaka kulan kula qaatay magaalada Djibouti Madaxweynaha dowladda aan walaalaha nahay ee Djibouti mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Madaxweynaha Djibouti uga mahad celiyay gogosha uu u fidiyay Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland iyo dadaalka dheeraadka ah ee uu ku bixiyay in wadahadallada ay guul ku soo dhamaadaan.

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo madaxweyne Geelle ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada amniga dhaqaalaha iyo istaraatiijiyadda labada dal ee walaalaha ah.

Xafiiska ra'iisul wasaaraha

Related Articles

Qiimeynta Xaaladda Dalka, Dadka iyo Dowladnimada Soomaaliya: 3 Sano iyo 3 Bilood Kadib Doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa lagu doortay, laguna dhaariyay dastuur heshiis lagu yahay oo ku qotoma hannaan federaal ah.

  • War Saxaafaded

    20-08-2025

  • 01:33PM

Akhriso Go’aamada kasoo baxay Shirka dardargelinta dhameystirka hawlgalka Calmiskaad

Shirka oo ay ka qeybgaleen Saraakiisha Amniga iyo heerarka kala duwan ee masuuliyiinta Dowladda ee ka shaqeynaya hawlgalka.

  • War Saxaafaded

    24-04-2025

  • 02:27PM