Maxaa looga hadlayaa Shirka Muqdisho ka furmay?

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah Xarunta Madaxtooyada uga furay shirka wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Shirkan ayaa Madaxdu waxa ay ku gorfeynayaan arrimaha siyaasadda dalka, wada shaqeynta Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada, amniga iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib-u-heshiisiinta Mudane Cabdi Faarax Siciid ayaa sheegay in shirkan uu muhimad wayn u leeyahay dadka iyo dalka, maadaama uu ku soo beegmay xilli ay ka socdaan guud ahaan dalka dhaqdhaqaaqyo iyo abaabul dagaal oo laga xoraynayo argagixisada Alshabaab.

“Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyadu dhammaantood waa ay ajiibeen marti qaadkii Madaxweynahu uu u fidiyey 22ka bishaan si looga wada hadallo arrimaha taagan oo ay ugu hurrayso dagaalka ka dhanka ah alshabaab.”

Furitaanka shirkan ayaa waxaa ka qeybgaley Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadam, Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Maxaned Cabdi Waare iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Taabit Cabdi Maxamed.

-DHAMMAAD-

Related Articles

Qiimeynta Xaaladda Dalka, Dadka iyo Dowladnimada Soomaaliya: 3 Sano iyo 3 Bilood Kadib Doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa lagu doortay, laguna dhaariyay dastuur heshiis lagu yahay oo ku qotoma hannaan federaal ah.

  • War Saxaafaded

    20-08-2025

  • 01:33PM

Akhriso Go’aamada kasoo baxay Shirka dardargelinta dhameystirka hawlgalka Calmiskaad

Shirka oo ay ka qeybgaleen Saraakiisha Amniga iyo heerarka kala duwan ee masuuliyiinta Dowladda ee ka shaqeynaya hawlgalka.

  • War Saxaafaded

    24-04-2025

  • 02:27PM