Nicholas Kay oo si kulul u cambaareeyey weerarka Garowe

Image

War-saxaafadeed

 

Muqdisho, 20 Abriil 2015 – Ergeyga Gaarka ah ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya, SRSG Nicholas Kay ayaa si aad ah u cambaareeyay weerarka lagu qaaday gaari ay leedahay Qaramada Midoobay oo yaalay magaalada Garoowe weerarkaasoo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad badan.

“Waxaa iga nixiyay igana walwaliyay waxa maanta ka dhacay Garoowe. Waxaa aad u fool xun sida loo qiimo tiray nolosha dad ka shaqeeynayay arimaha Bani-aadanimadda iyo mashaariicda horumarineed ee ku aadan baahida dadka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Ergayga Gaarka ah SRSG Kay.

Saakay abaarihii markay ahayd 2-da saac ee subaxnimo ayaa gaari ay leedahay Qaramada Midoobay oo ka shaqeynaayay Garoowe, Puntland, lala beegsaday waxyaabaha qarxa ( IED), waxaana ku waxyeeloobay dad aan tiradooda la garaneyn, waxaana socda dadaal gurmad ah oo looga jawaabayo dhibkii dhacay.

“Arintaan waxay murugo ku abuurtay Qaramada Midoobay, hadana waxay u mideysanyihiin sii loowadida howlahooda. Qaramada Midoobay waxaa ka go'an in ay dadka Soomaaliyeed barbartaagnaato. Waxaan tacsi u dirayaa saaxiibadii iyo qoysaskii dadkoodu ku nafwaayeen iyo kuwii kudhaawacmay ama waxkunoqdayba.” Ayuu yiri SRSG kay.

Faafaahinta kusaabsan arintaan waan idinla wadaagi doonaa islamarka ay cadaato.

Dhamaad. 

Related Articles

Akhriso Go’aamada kasoo baxay Shirka dardargelinta dhameystirka hawlgalka Calmiskaad

Shirka oo ay ka qeybgaleen Saraakiisha Amniga iyo heerarka kala duwan ee masuuliyiinta Dowladda ee ka shaqeynaya hawlgalka.

  • War Saxaafaded

    24-04-2025

  • 02:27PM

Villa Somalia oo Fahfaahin ka bixisay heshiis Xasan Sheekh la galay Masar

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la dardar-geliyo wada shaqeynta Hay'adaha Labada dal.

  • War Saxaafaded

    23-01-2025

  • 02:44PM