Puntland: Madaxweyne Deni oo sameeyay magacaabis

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Deni ayaa Maanta oo Arbaco ah sameeyay magacaabista xubno cusub oo kusoo biiraya Xukuumaddiisa, kuwaasoo isagu jira labo wasiiro, labo ku-xigeen iyo hal wasiiru dowle.

Digreetada Madaxweynaha:

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 48 ee December 29, 2021 kuna magacaabid Wasiiro, Wasiiru Dowleyaal iyo Wasiir ku-xigeeno ka tirsan Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda PuntlandMarkuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad faqradiisa 5aad.Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo Waayo-aragnimadooda shaqo.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dhamaystirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.Markuu garawsaday: Shaqada baaxadda weyn ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda.Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.Wuxuu xeeriyay

1. Waxaa Axmed Yuusuf Qahar loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimiladda Dowladda Puntland.

2. Waxaa Rashiid Maxamuud Yuusuf loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland.

3. Waxaa Khadar Faarax Maxamed loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud, Gadiidka iyo Guriyeynta Dowladda Puntland.

4. Waxaa Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Dowladda Puntland.

5. Waxaa Cabdiraxmaan Cali Axmed loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyadda Dowladda Puntland.*Xeerkani wuxuu dhaqangelaya marka uu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM