Puntland oo lagu bogaadiyay doorkeeda heshiiska doorashadda

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay magaaladda Muqdisho kaga qeybgalay xafladd balaaran oo lagu soo dhoweynayo.

Masuuliyiinta goleyaasha DFS, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Bulshada soo diyaarisay xafladda ayaa Madaxweynaha ku bogaadiyey shaqada wanaagsan ee uu ka qabtay Puntland iyo doorkiisii muhimka ahaa ee uu ka geystay heshiiska lagu go’aamiyey Doorashada Dalka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta wanaagsan oo weliba loogu sameeyay degmada Howlwadaag ee uu ku dhashay kuna soo koray.

Xafladda waxaa ka qeybgalaya Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Shacabka Mahad Cawad, Goleyaasha DFS, Maamulka Gobolka Banaadir iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada magaaladda Muqdisho.

=DHAMMAAD=

Related Articles

Qiimeynta Xaaladda Dalka, Dadka iyo Dowladnimada Soomaaliya: 3 Sano iyo 3 Bilood Kadib Doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa lagu doortay, laguna dhaariyay dastuur heshiis lagu yahay oo ku qotoma hannaan federaal ah.

  • War Saxaafaded

    20-08-2025

  • 01:33PM

Akhriso Go’aamada kasoo baxay Shirka dardargelinta dhameystirka hawlgalka Calmiskaad

Shirka oo ay ka qeybgaleen Saraakiisha Amniga iyo heerarka kala duwan ee masuuliyiinta Dowladda ee ka shaqeynaya hawlgalka.

  • War Saxaafaded

    24-04-2025

  • 02:27PM