Puntland oo shaacisay mowqifkeeda shirka Rooble ku baaqey

Image

GAROWE, Puntland - Dowladda Puntland ayaa sheegtay inay diyaar u tahay ka qaybgalka shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu hogaamiyo Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Puntland waxay kaloo caddaysay in ay diyaar u tahay qabashada doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka si waafaqsan heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu gundhig u yahay heshiiskii 17 September 2020.

Qoraalka Puntland ayaa u muuqda mid taageero loogu muujinayo Rooble, oo hadda dagaal uga soo furmay xafiiska Madaxweynaha, kaasoo laga cabsi qabo inuu meesha ka saaro doorashadda dalka, oo si gaabis ah markii horeba ku socotay.

Shirka Dec 27, oo berri ku beegan ma muuqato ifafaallo inuu qabsoomi doono, maadaama Muqdisho illaa hadda aan tagin hal hogaamiye oo ka socda maamulada dalka, waxaana dalka uu galay marxalad cusub oo jahwareer siyaasadeed ah.

Farmaajo ayaa dhankiisa ku baaqey kulan uu la yeelan doono Madaxda Maamulada kaasoo lagu go'aamin doono Ra'iisul wasaare cusub oo awooda u leh inuu dalka ka qabto doorasho daahfuran oo watigeeda ku dhacda, sida lagu xusay war kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM