Ra'isal Wasaaraha oo xarigga ka jaray safaaradda Somalia ee Qatar

Image
Image
Image
Image

Doha, Jimco 20 March 2015 – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa xariga ka jaray dhismaha cusub ee safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Doha ee dalka Qatar oo socday muddo labo sanadood ah. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa ku ammaanay Safiirka iyo Shaqaalaha safaaradda dadaalka ay ku bixiyeen dhismahan cusub.

Safiirka Soomaaliya ee Qatar, Danjire Cumar Idriis ayaa ka Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa uga warbixiyay howlihii kala duwanaa ee lasoo maray intii lagu gufda jiray dhismaha cusub ee safaaradda.

 “Sharaf ayay ii tahay in aan manta furo dhismahan cusub, waxaan ugu hambalyaynayaa dhamaan mas’uuliyiinta, shaqaalaha safaaradda, Injineerada Soomaaliyeed iyo jaaliyadda Soomaalida ee dalka Qatar howsha wanaagsan ee umadda ay ugu adeegayaan iyo xooga ay galiyeen dhismahan cusub ee safaaradda oo ah mid wax weyn u taraya dawladda iyo dadka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa isaguna ku dhiiri galiyay mas’iiliyiinta iyo shaqaalaha safaaradda in ay mar kasta u istaagaan u adeegidda danaha umadda Soomaaliyeed isla markaana ay horumariyaan shaqada safaaradda si ay ugu adeegto danaha labada dal ee Soomaaliya iyo Qatar.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku jooga magaalada Doha booqasho rasmi ah iyadoo ay ku weheliyaan xubnaha wafdigiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mudane Cabdisalaan hadliye Cumar, Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdiraxmaan Caynte, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Mudane Cali Axmed Jaamac Jaangali, Wasiirka Caafimaadka, MarwoXaawo Xasan Maxamed iyo Mudane Cumar Idriis, Danjiraha Soomaaliya ee Qatar.

—DHAMMAAD—

Ridwaan Haji Abdiwali  
Afhayeenka Xukuumadda,  
Doha, Qatar 
Tel: 0097470284385 
E-mail: media@opm.gov.so  
Twitter: @SomaliPM

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM