Salaam Somali Bank oo $100,000 Gudoonsiiyay Ganacsatada yar yar ee Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Salaam Somali Bank wuxuu maanta ku deeqday Maalgelin qeyb ka ah Nidaamka ‘Qardul – Xassan ka oo loogu talo galay inay ka faa’iidaaystaan Ganacsatada yaryar ee ka howlgala Gobolka Banaadir iyo Nawaaxigiisa.

Ganacsatada ka faa’iidaysatay barnaamijkaan waxay isugu jiraan Ganacasatada qeybaheeda kala duwan, sida; Bagaashleeyda, Qudaarleeyda, Daawooyinka, Dharka, Spare Parts, Qeybaha Waxbarashada, I.W.M..

Taaakulayntan ay ka heleen Nidaamka Qardul-Xassanka ee bangiga ayaa ah mid ku salaysan kobcin maalgalineed oo aan faa’iido soo celineed bangiga ka rabin.

Dadkii ka soo qeybgalay Daahfurka Munaasbada Maalgaalinta oo lagu qabtay Xarunta weyn ee Bakaaro ayaa sheegay inay aad ugu farxeen maalgelinta uu Salaam Somali Bank u sameeyay waxayna si gaar ah ugu mahadceliyeen Maamulka Bangiga.

Madaxa Qeybta Ganacsiga Salaam Somali Bank Ayaa faahfaahiyay Barnaamijka Maalgelinta Qardu-Xasanka walibana in Bangigu uu qorsheeyay inuu sii balaarin doono Barnaamijkan Qardul-Xassanka haday ahaan lahayd meelaha horay loo gaarsiiyay iyo Xajmiga Maalgaalinta intaba.

Ganacsatadii qeyb ka ahaa barnaamijkan Qardu-Xasanka ayaa sheegay inay sameeyeen kobac dhaqaale oo fiican, ayna xaqiijinayeen hadafkoodii horumarineed iyo dhanka shaqa abuurka Sidoo kale waxay ku bogaadiyeen doorka uu bangigu ka qaato kobcinta dhaqaalaha bulshada iyo horumarka wadanka guud ahaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM