Salaam Somali Bank oo qeyb cusub ka furay Juba Hypermarket oo ku yaala Isgoyska Juba ee Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Bangiga Salaam Somali Bank ayaa Maanta oo Talaado ah xarun cusub ka dhex-furtay Suuqa Jubba Hypermarket ee ku yaalla Isgoyska Jubba, ee magaaladda Muqdisho.

C/Fitaax Maxamed Odowaa, oo ah Madaxa Baranjiyada Bangiga ayaa sheegay in qeybta cusub loogu tala-galay in adeegyada SSB loogu soo dhaweeyo Macaamiisha ka dukaameysta Juba Hypermarket.

Cumar C/llaahi oo kamid ah Maamulka Jubba Hypermarket oo furitaankan ka hadlay ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin in Macaamiisha Suuqa dukaameysiga u yimaado isla goobta ka heli karaan adeegga Bangiga, oi ATM-ka ku jiro,  kaasoo si fudud lacagaha loogala bixi karo, iyadoo la adeegsanaya Mastercard.

Qaar kamid ah Macaamiisha ayaa soo dhaweeyay furitaanka qeybta cusub ee Jubba Hypermarket kadib markii loo fuliyay adeegyada ay u baahi qabeen, iyagoo meel fog aadin.

Salaam Somali Bank ayaa sidan oo kale xarumo uga furay goobo laga dukaamaysto oo Muqdisho ku yaalla, kuwaasoo dadka Macaamiisha ah loogu fududeynayo adeegyada SSB.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Akhriso Go’aamada kasoo baxay Shirka dardargelinta dhameystirka hawlgalka Calmiskaad

Shirka oo ay ka qeybgaleen Saraakiisha Amniga iyo heerarka kala duwan ee masuuliyiinta Dowladda ee ka shaqeynaya hawlgalka.

  • War Saxaafaded

    24-04-2025

  • 02:27PM

Villa Somalia oo Fahfaahin ka bixisay heshiis Xasan Sheekh la galay Masar

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la dardar-geliyo wada shaqeynta Hay'adaha Labada dal.

  • War Saxaafaded

    23-01-2025

  • 02:44PM