Soomaaliya iyo Masar oo kala saxiixday Heshiisyo cusub

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

QAAHIRA - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa Shalay oo Khamiis ah kula kulmay Magaalada Qaahira dhiggiisa Masar Mudane Sameh Shoukry.

Wadahadalka ayaa intiisa badan diiradda lagu saarray xiriirka walaalnimo iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar iyo habkii lagu xoojin lahaa, laguna horumarin lahaa dhinac waliba oo u adeegaya danaha labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah, waxa ayna is dhaafsadeen aragtiyadooda dhacdooyinka iyo horumarka gobolka iyo dunida.

Kadib markii uu idlaaday wadahadalka ballaaran, waxaa saxiixa lagu duugay seddex heshiis is afgarad oo ay ka mid yihiin abuuridda hab wadatashi siyaasadeed oo heer wasiir arrimo dibadeed oo labada dal ah, yagleelidda guddi wadaag ah oo ay hoggaamiyaan labada wasiir arrimo dibadeed iyo iskaashiga labada machad ee daraasaadka diblomaasiyadda Soomaaliya iyo Masar.

- DHAMAAD -

Related Articles

Qiimeynta Xaaladda Dalka, Dadka iyo Dowladnimada Soomaaliya: 3 Sano iyo 3 Bilood Kadib Doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa lagu doortay, laguna dhaariyay dastuur heshiis lagu yahay oo ku qotoma hannaan federaal ah.

  • War Saxaafaded

    20-08-2025

  • 01:33PM

Akhriso Go’aamada kasoo baxay Shirka dardargelinta dhameystirka hawlgalka Calmiskaad

Shirka oo ay ka qeybgaleen Saraakiisha Amniga iyo heerarka kala duwan ee masuuliyiinta Dowladda ee ka shaqeynaya hawlgalka.

  • War Saxaafaded

    24-04-2025

  • 02:27PM