Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Image
Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gabagabeeyay booqasho rasmi ah oo uu ku tagay Boqortooyada Sucuudi Carabiya kadib martiqaad uu fidiyey Boqorka Sucuudiga Salmaan Binu Cabdicasiis. Labada dowladood oo yeeshay wada-hadalo ku saabsan iskaashiga labo-geesoodka ah ee labada dal ayaa laga soo saaray War-Murtiyeedkan:

1. Dhaqaalaha, Maalgashiga iyo Ganacsiga;
Labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Sucuudiga waxay adkeeyeen kobcinta isdhaafsiga dhaqaalaha iyo maalgashiga, gaar ahaan Beeraha, Xoolaha, Khayraadka Badda, Dekadaha iyo isu-socodka, iyagoo bogaadiyey kororka ku yimid isdhaafsiga ganacsiga Labada dal oo sannadkii 2022-kii oo ka batay 105% inta uu joogay sannadkii 2021-kii.

2. Difaaca iyo Amniga;
Dowladda Boqortooyada Sucuudigu waxay muujisay in ay garab taagan tahay howlgallada dowladda Soomaaliya ay dalka kaga xoreynayso argagixisada, waxayna ugu baaqday beesha caalamka in lagu garab istaago Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada kaas oo ay ka soo hooyeen guulo la taaban karo, sidoo kale Sucuudigu waxay soo dhaweeyeen qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee cunaqabataynta hubka lagaga qaaday Soomaaliya, kaas oo fududaynaya dib u dhiska iyo qalabaynta Ciidamada Soomaaliyeed.

3. Madaxbannaanida Soomaaliya;

Boqortooyada Sucuudi Carabiya waxay cadeysay sida ay u garab taagan tahay midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo tilmaamay gafka iyo dhibaatada heshiiska sharci darrada ah ee Itoobiya ay la saxiixatay Maamulka Soomaaliland, kaas oo caqabad ku ah daris-wanaagga iyo xasilloonida Gobolka.

4. Tamarta, Shidaalka iyo Isbeddelka Cimilada;
Labada Dowladood waxay isla qaateen in ay ka yeeshaan iskaashi dhow, iyadoo dowladda Soomaaliya ay ku ammaanatay Boqortooyada Sucuudiga doorka hoggaamineed ee ay ka qaadanayso isu-dheelli-tirka suuqa caalamiga ah ee shidaalka iyo hiigsiyada ku aaddan Bariga Dhexe oo cagaar ah, kaas oo lagu wajahayo saameynta isbeddelka cimilada.

5. Boqortooyada Sucuudigu waxay bogaadiyeen horumarka dowlada ay ku tallaabsatay, gaar ahaan deyn cafinta oo ku timid hufnaanta maaliyadeed iyo dib u habayn dhaqaale oo ay sameysay dowladda Soomaaliya, waxayna muujiyeen Boqortooyadu muhiimadda cafinta deynta oo horseedaysa in lagu kalsoonaado, lalana falgalo hay'adaha maaliyadda Soomaaliya.

6. Labada dowladood waxay ku heshiiyeen in la xoojiyo iskaashiga ku aaddan arrimaha tamarta iyo korontada, dalagyada iyo dawada beeraha, duulimaadyada tooska ah, isgaarsiinta iyo tiknaloojiyada, waxbarashada, ciyaaraha iyo guud ahaan arrimaha bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

HSF oo Deeq gaarsiisay Isbitaal ay ku jiraan dadka dhimirka la’

Intaa ka dib, mas’uuliyiinta ayaa booqday qeybaha kala duwan ee ay ku noolyihiin bukaanada dhimirka la’ ee rag iyo Dumar ba leh.

  • War Saxaafaded

    15-03-2024

  • 04:40PM