Soomaaliya oo daahfurtey tirokoobka dadka iyo guriyaha

Image
Barnaamijkan waxaa diyaarisay Waasaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha, gaar ahaan Hay’adda Qiimeynta Qaranka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah-furay hannaanka tirakoobka dadka iyo guryaha Soomaaliya oo ay soo diyaarisay Waasaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha, gaar ahaan Hay’adda Qiimeynta Qaranka (National Statistics Agency).

Barnaamijkan oo socon doona muddo labo sano iyo dheeraad ah ayaa laga fulinayaa dhammaan dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir, iyada oo dowladda uu ka caawinayo bixinta adeegyada bulshada, amniga iyo dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in muddo hadda laga joogo in ka badan afartan sano ay ugu danbeysay tirakoob lagu sameeyo dadka Soomaaliyeed, waxuuna ku ammaanay hay’adda Qiimeynta Qaranka iyo Wasaaradda Qorsheynta dadaalkooda ku aadan sameynta hannaanka tirakoobka dadka iyo guryaha Soomaaliya.

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM