Tababar ku saabsan Maareeynta Kheyraadka Biyaha oo furmay

Image
Image
Image
Image
Tababarkan waxaa iskan kaaghanaya wasaaradaha tamarta dowladda federaalka iyo Jubaland.

KISMAAYO, Jubaland - Wasiirka Wasaarada Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee dowlad goboleedka Jubaland Mudane Ahmed Hussein Baraki ayaa si rasmi ah u furay Tababar ku saabsan isku dhafka maareeynta kheyraadka biyaha oo lagu qabanayo magaalada Kismaayo kaa soo socon doono muddo 5 maalin ah, 18-22 September, 2022. 

Tababarkaan ayaa iska Kaashanaya Wasaaraad Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Dowlad Goboleedka Jubaland.

Tababarkaa ayaa ujadasiisu tahay in kor loo qaado awoodda Hay’adaha kala duwan ee Dowlad Goboleedka Jubaland ee arimaha Maareeynta Kheyraadka Biyaha si loo gaaro hadafka guud iyo hiigsiga Wasaaradda oo ah in kor loo qaado tayada iyo xirfadda shaqaalaha Wasaaradaha Dowlad Goboleedyada. 

Waxaana ka soo qeyb galay Tababarka masuuiyiin ka socday Wasaaradaha kala duwan ee dowlad Goboleedka Jubaland , arday ka socotay Jaamacadaha iyo qaybaha kala duwan Ururada Bulshada rayidka. 

Qaar ka mid ah masuuliyiinta ka soo qeyb galay furitaanka Tababarkaan ayaa Tilmaamay Faa'idada tababarkaan u leeyahay qeybaha kala duwan ee bulshada. 

Ahmed Hussein Baraki, wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee dowlad Goboleedka Jubaland oo tababarkaan daahfurayay, ayaa u rajeeyay ka soo qayab galayaasha in si wanaagsan Tababarka looga faa'ideysto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qiimeynta Xaaladda Dalka, Dadka iyo Dowladnimada Soomaaliya: 3 Sano iyo 3 Bilood Kadib Doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa lagu doortay, laguna dhaariyay dastuur heshiis lagu yahay oo ku qotoma hannaan federaal ah.

  • War Saxaafaded

    20-08-2025

  • 01:33PM

Akhriso Go’aamada kasoo baxay Shirka dardargelinta dhameystirka hawlgalka Calmiskaad

Shirka oo ay ka qeybgaleen Saraakiisha Amniga iyo heerarka kala duwan ee masuuliyiinta Dowladda ee ka shaqeynaya hawlgalka.

  • War Saxaafaded

    24-04-2025

  • 02:27PM