Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo la kulmay Farmaajo [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si wadajir ah u qaabilay Guddiga Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika u qaabilsan dhaqaale u raadinta ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay masuuliyantan ahmiyadda ay leedahay in lasii dardargeliyo wadashaqeynta AMISOM iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, dadaallada lagu xaqiijinayo sidii kooxaha nabad diidka ah looga sifeyn lahaa dalka iyo in ciidamada Soomaaliyeed loo diyaariyo qaabkii ay ula wareegi lahaayeen masuuliyadda amniga guud ee dalka.

Wakiillada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa bogaadiyey qorshaha uu Madaxweynaha hormuudka ka yahay ee lagu tayeynayo Ciidanka Xoogga Dalka, iyagoona muujiyeey sida Beesha Caalamka uga go’antahay garab istaaga Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo wakiillada ayaa isla soo qaaday in Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ay kala shaqeeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya dhaqaale u raadinta Ciidamada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhawrkii toddobaad ee lasoo dhaafay ku shaqeynayay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ahmiyad sare siinaya dib u dhiska iyo tayeynta ciidamada qalabka sida.

Wafdigan waxaa hoggaaminayey Jean-Marie Guehenno iyo Ramtana Lamamra oo madax u ah Guddiga Dhaqaale u raadinta Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya, waxaana sidoo kale kulanka goob joog ka ahaa Danjireyaasha Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee Soomaaliya Michael Keating iyo Francisco Madeira. Dhanka Dowladda Federaalka Waxaa kulankan ku wehlinayay La-taliyaha Amniga Qaranka Mudane Cabdi Saciid Muuse.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM