Hindiya oo looga doodayo in saacadaha shaqada laga dhigo 70 Saacadood asbuucii

Image

DELHI (GO) - Xili dalal badan oo caalamka ah ay u socdaan in maalmaha shaqda laga dhigo todobaadkii afar maalmood, Hindiya ayaa waxaa ka taagan dood kulul, oo cinwaankeedu yahay "Tirada saacadaha shaqada ee toddobaadkii" oo ay tahay in la qaato.

Dadka u dhashay dalkaas ayaa u kala qeybsan laba garab, qaar waxa ay aaminsan yihiin in lagu socdo sida ay hadda tahay 47 saacadood asbuucii, halka qaarka kale ay codsanayaan in tirada saacadaha shaqada la gaarsiiyo 70 saacadood asbuucii.

Murankan ayaa bilawday dhammaadkii Oktoobar 2023, markii bilyaneer Hindi ah oo lagu magacaabo Narayana Murthy uu ku dhawaaqay in wax soo saarka shaqaalaha Hindiya uu ka mid yahay kuwa ugu hooseeya adduunka, isagoo ugu baaqay dhalinyarada in ay shaqeeyaan 70 saacadood todobaadkii.

In kasta oo in ka badan 15 maalmood ay ka soo wareegtay hadalka Murthy, haddana muranka ka dhashay ayaa weli ka socda Hindiya, tiro ganacsato ah ayaa taageeray soo jeedintiisa, iyaga oo tixgelinaya in isku dheelitirka shaqada iyo nolosha ay tahay aragti ka timid reer galbeedka.

Kooxdaan ayaa aaminsan in kordhinta saacadaha shaqada ay ka caawin doonto Hindiya inay gaarto isku filnaasho dhaqaale.

Dhanka kale, garabka diidan fikradda kordhinta tirada saacadaha shaqada ayaa miciinsatay Baraha Bulshada si ay u muujiyaan inaysan ku qanacsanayn faallooyinka bilyaneerka Narayana Murthy.

Codsiga ah in dhalinyarada ay shaqeeyaan 12 saacadood maalintii, 6 maalmood asbuucii, ayaa lagu tilmaamay in uu keeni karo dhimashada shaqaalaha sida ay ku doodayaan garabka 2-aad, ujeeddaduna tahay oo kaliya in jeebabka bilyaneerada lacag lagu buuxiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad ku dhacday Badda kadib markii ay ka baxday Garoonka Hong Kong

Mas’uul ka tirsan Waaxda Dab-damiska ayaa weriyeyaasha u sheegay in labada qof ee dhintay ay kala ahaayeen darawalkii gaariga ilaalinta amniga.

  • Caalamka

    20-10-2025

  • 11:44AM

Xuutiyiinta Taageerada ka Hela Iran oo Qabtay Shaqaale ka Tirsan Qaramada Midoobay

Xaaladdan ayaa si weyn uga sii daraysa xaaladda amni iyo shaqo ee Qaramada Midoobay ee Yemen.

  • Caalamka

    20-10-2025

  • 08:40AM