Muqdisho oo markii ugu horeysay lagu qabtay tartanka Feerka [Sawirro]

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Mudo dhaw 30-sano kadib, Magaalada maxda dalka Soomaaliya ee Muqdisho waxay marti-gelisay markii ugu horeysay tartanka Feerka, kaasoo shalay oo Jimco ahayd lagu qabtay degmadda Xamar Jajab ee gobolka Banaadir.

Mas'uuliyiin ka socday maamulka gobolka Banaadir, kan degmada iyo Dadwayne ka kala yimid xaafadaha kala duwan ee Magaaladda caasimada ah ayaa usoo daawasho tegay kulankii ugu horeeyay ee tartanka Feerka.

Garoonka ahaa mid si wayn loo qalabeeyay ayaa waxaa diyaar ku ahaa dhamaan agabkii loogu talagalay in lagu ciyaaro, oo ay kamid tahay Riigaha, Gacmaha-gashiga Feerka iyo midka Wajiga.

Labo ciyaaryahan, oo loo soo tababaray Feerka ayaa wada dheelay kulankii ugu horeeyay ee ciyaarta, kuwaasoo ay guusha mid kamid ah, waxaana halkaas lagu gudoonsiiyay abaalmarin loogu talagay.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho oo ka hadlay tartankaan ayaa sheegay inuu qayb ka yahay olalaha ay wadaan oo ay dib ugu soo celinayaan is-dhexgalka bulshada iyo horumarka gobolka Banaadir.

"In Muqdisho lagu qabto sanado badan kadib tartanka Feerka, waa Astaan muujineysa horumarka iyo maamul wanaaga, waxaana dooneynaa inaan sii xoojino," ayuu yiri Eng Yariisow.

Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Degmadda Xamar Jajab oo goobta ka jeediyay dhankooda hadallo ayaa waxay tilmaameen inay joogteyn doonaan tartankaan, iyagoo sheegay inuu qayb ka qaadanayo amaanka caasimadda.

Axmed Maxamed Cali, oo kamid ahaa dadkii usoo daawasho tegay ciyaarta ayaa sheegay inuu aad ugu farax-san yahay in ciyaarta Feerta oo uu Telefishinka ka daawan jiray uu hadda si toos ah uga daawo dalkiisa.

"Markii hore, waxaan ahaa mid ka daawan jiray Telefishinka Musaaricadda, laakiin hadda waxaan si toos ah uga daawanayaa dalkeyga waana ku farax-sanahay runtii arintan," ayuu Axmed hadalkiisa raaciyay.

Dhinaca kale, Abdinuur Yuusuf Aadan oo dhankiisa kamid ahaa dadkii ciyaarta usoo daawasho tegay oo la hadlay Wariyaha Garowe Online ee Muqdisho, ayaa ugu baaqay maamulka Gobolka inuu ku dadaallo qabashada tartamadda noocaan ah.

"Wallaahi aad ayaan ugu farxay markii aan arkay Muqdisho oo tartanka Feerka lagu daawano. Laakiin, waxaa muhiim ah in la joogteeyo, maxaa yeelay waxaa jira dad xiiseeya sida aniga oo kale," ayuu daba dhigay hadalkiisa.

Tartanka Feerka ayaa waxuu kamid ahaa waxybaahihii daaqadda ka baxay tan iyo markii ay burburtay dowladii dhexe ee dalka, waxaana dib usoo celintiisa si wayn usoo dhaweeyay Bulshadda Soomaaliyeed, gaara ahaan bahda Isboortiga Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM