Imaaraadka Carabta iyo Iiraan oo yeeshay wadahadalo dhif ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiiradda arrimaha dibadda ee dalalka xifaaltanka uu muddo dheer ka dhaxeeyo Iiraan iyo Imaaraadka Carabta ayaa yeeshay wadahadalo dhif ah oo ay kawada hadleen arrimo kala duwan.

Sidda laga soo xigtay wakaaladda wararka u faafisa Imaaraadka ee WAM, wada-xaajoodyadda Sheikh Abdullah bin Zayed al-Nahyan iyo Mohammad Javad Zarif ayaa kawada arrin-saday qadiyadaha gobolka iyo caalamka.

Qodobadda sidda gaarka ah diiradda loogu saarey shirka waxaa kamid ah ka hortagga Covid-19 ee jilbaha dhulka u dhigay Bariga Dhexe.

Wakaaladda wararka WAM ayaa xustay in kulanka oo ku qabsoomay aalada maqalka iyo muuqaalka ay mas'uuliyiinta bilowgii is-dhaafsadeen salaam iyo hambalyo la xiriira munaasabadda Ciidul Adxaa ama Carafo.

"Sheikh Abdullah bin Zayed al-Nahyan wuxuu u sheegay dhigiisa Iiraan in ay ka go'an tahay xoojinta iskaashigada laba geesoodka ah ayna muhiim u tahay arrintaas xakameynta Covid-19," ayay WAM tibaaxdey.

Dhankiisa Zariif, wasiirka arrimaha dibadda Iiraan, ayaa Twitter-ka kusoo qoray in wadahadalka "si furan looga wadahadlay xalka laba geesoodka ah ee arrimaha labadda dal, tan gobolka iyo guud ahaan caalamka".

"Waxaan ku heshiinay in aan sii wadno wadahadalka ku saabsan mawduuca rajada - gaar ahaan maaddaama gobolku wajahayo caqabado adag, iyo xulashooyinka kale ee horteena yaala," ayuu soo qoray.

Imaaraadka, oo u dhow Sacuudiga iyo Mareykanka, ayaa xiisadda kala dhaxeysa Iiraan waxay salka ku haysaa arrimo ay kamid tahay barnaamijka Nuk-liyeerka ee Tehran, wallow si hoose u socdeen dedaalo nabadeyn ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM

Booliska Kanada oo lumiyay raadadka dahabkii ugu badnaa taariikhda dalkaas ee la dhaco

Dahab qiimihiisu gaaraya $16 Milyan oo Dollar ayaa sanadkii hore laga dhacay Shirkad ka dhisan Kanada.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:15AM