Muxuu ku saabsan yahay Shirka ONLF uga furmaya Eritrea?

Image

ASMARA - Shir caalami ah ayaa lagu wadaa inuu maanta oo Khamiis ah uu uga furmo Magaaladda Asmara ee caasimadda wadanka Eritrea, hogaanka Jabhadda ONLF xilli Isbedel ay ka socdaan dalka Itoobiya oo dagaal ay kula jiraan.

Kulankaan ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa qodobo ay kamid yihiin isbedaladda uu la yimid Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed iyo fursadha Jabhadan ka filankarto Xukuumadda cusub ee Addis Ababa, sida laga soo xigtay illo wareedyo.

Shirkan ay yeelanayaan madaxda ONLF, ayaa wuxuu imaanayaa maalmo un kadib markii dowladda Eritrea, ay Wafdiga u dirtay Itoobiya, taasoo bog cusub u furtay xiriirka labada dal, oo colaad ka dhaxaysay tan iyo 1998.

Mid kamid ah hogaanka ONLF oo u waramay Warbaahinta ayaa wuxuu xaqiijiyay in kulankaan sidoo kale looga hadli doono arrimo ku saabsan heshiis horudhac ah oo ay la galeen Itoobiya.

- Maxaa laga filan karaa kulanka? -

Mar sii horeysay, Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed wuxuu heshiis is-af garad ah uu la gaarey qaar kamid ah mucaaradka ugu waa weyn ee dalkiisa, isagoo u muuqday mid lasoo baxay Siyaasad ka duwan kuwa madaxdii isaga ka horeeyay.

Horey waxaa u jiray wada hadalo u socday Itoobiya iyo ONLF, kuwaasoo wajigiisa koowaad uu ka dhacay Kenya, qodobadii lagu heshiiyay ay kamid ahayd in Itoobiya ay soo deyso Maxaabiista u xiran ONLF ee ku jira Xabsiyadda waa weyn ee dalkeeda.

Wararka laga helayo Itoobiya waxay sheegayaan in Maxaabiista qaarkood lasoo sii daayey, inkasta oo ay wali harsan yihiin kuwa kale, waxaana shirkaan Asmara ka furaya lagu wadaa in arrintaan lagu faa'iqido.

Kulankaan maanta ka furmaya Asmara ayaa waxaa laga filayaa inay kasoo baxaan War-muriyeed, kaasoo lagu soo dhawaynayo Isbedalada Itoobiya ka dhacaya, inkasta oo ay ku adkeysan doonaa inay muhiim tahay in dadka Ogaadeen ay helaan Xorriyad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hamad bin Jassim: Netanyahu Dagaalka Iran wuxuu u Adeegsanayaa Dib-u-Habeynta Bariga Dhexe

Wuxuu sheegay in dowlado badan oo Mareykan ah ay hore uga caga jiideen dagaal buuxa oo lala galo Iran.

  • Caalamka

    11-05-2026

  • 01:06PM

Saudi Arabia iyo Kuwait oo Qaaday Xannibaadihii Hakiyay qorshaha Trump ee Hormuz

Labada dal ayaa horay u xaddiday adeegsiga saldhigyadooda si ay uga fogaadaan inay qayb ka noqdaan iska horimaad toos ah.

  • Caalamka

    08-05-2026

  • 07:12AM