Deni oo ka hadlay geerida marxuum Cismaan Cumar Maxamed

Image

GAALKACYO, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyay geerida alle ha u naxariistee Taliyihii ciidanka Madaxtooyada Puntland Gaashanle Sare, Cismaan Cumar Maxamed.

Marxuumka ayaa ku dhintay iska hor-imaad ka dhashay howlgal ay ciidamadda amniga Gaalkacyo kula wareegeen xerada Kabista, halkaasoo ay kooxo hubeysan ku iibin-jireen maandooriye.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland ayaa lagu sheegay in Deni uu murugada la wadaagayo qoyska, ehelka iyo asxaabta uu ka baxay Cismaan Itoobiyaan.

"Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu tiiraanyada geerida Alle ha u naxariistee Taliyihii ciidanka Madaxtooyada Puntland Marxuum G. Sare Cismaan Cumar Maxamed iyo Saddex Xarigle Axmed Yuusuf Cabdi la wadaagayaa dhammaan ciidamada qalabka sida ee Dowladda Puntland, si gaar ah ciidanka Daraawiishta, gaar ahaan ciidanka Madaxtooyada, eheladii qaraabadii qoyskii iyo asxaabtii uu ka geeriyoodey Marxuumku," ayaa lagu yiri.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Taliyihii Ciidanka Madaxtooyada Alle Naxariistii Janno haka waraabiyee ayaa ku geeriyoodey hawlgal ay ciidanka Madaxtooyadu saaka ka fuliyeen gudaha magaalada Gaalkacayo oo ay kusoo qabteen mukhaadaraad iyo shufti nabadiid ah oo ka ganacsanayey"

"Madaxweyne Deni ayaa tilmaamay Alle ha u naxariistee Marxuum G.Sare Cismaan Cumar Maxamed in uu ahaa shakhsi wanaagsan oo shaqo yaqaan ah, sarkaal daacad ah oo ku wanaagsan hogaaminta ciidanka, waxa uu Alle u weydiiyey inuu naxariistii Janno ka Waraabiyo, dembigiisa dhaafo, su'aasha qabriga u sakhiro, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan shacabka reer Puntland, ciidamada Qalabka sida, kuwa Madaxtooyada, ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay. Sidoo kale waxa uu Alle uga baryey Madaxweynuhu intii ku dhaawacantay inuu u booga dhayo," ayaa lagu soo gabagabeeyay.

Gaalkacyo oo dhanka waqooyi ay ka arimiso Puntland, dhanka Koonfurna Galmudug waxaa bilooyinkii lasoo dhaafay joogay wafdi uu Deni horkacayo, kuwaasoo oo howlo amniga kamid yahay ugu sugan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM