100 Al Shabaab ah oo lagu dilay Duqeyn ka dhacday gobolka Baay

Image

NAIROBI, Kenya - Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa [AFRICOM] ayaa sheegay in 100 dagaalyahan oo kamid ahaa Al Shabaab ay ku dileen duqeyn dhanka cirka ah oo ay ka fuliyeen gobolka Baay.

War kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in weerarka duqeynta ah lala eegtay xarun lagu tababaro dagaalyahanada Al Shababa, oo ku yaalla meel 201KM dhanka waqooyi galbeed uga beegan Muqdisho.

AFRICOM ma aysan sheegin goobta duqeynta ay ka fuliyeen halka ay uga taallo Soomaaliya.

Warsidaha Garowe Online ayaa baaritaan kadib ogaaday in weerarka uu ka dhacay deegaan ku yaalla dhul buuralay ah, oo lagu magacaabo Leb-Adde kaasi oo dhaca dhanka bari ee degmada Diinsoor.

Dadka deegaanka waxay u sheegeen GO in ugu yaraan 10 gantaal ay Diyaaradaha ku rideen saldhiga Al Shabaab, islamarkaana ay halkaasi ku dhinteen xubno badan oo kamid ahaa Al Shabaab.

Duqeynta waxay dhacday maanta oo Talaado ah abaare 10:30 a.m. [Subax] waqtiga Soomaaliya. Al Shabaab kama aysan hadlin Duqeynta uu sheegtay Mareykanka iyo Khasaaraha lagu gaarsiiyay.

Waa weerarkii ugu dambeeyay silsilado duqeymaha ah oo Militariga Mareykanka uu ka fulinayay mudooyinkii ugu dambeeyay Koonfurta iyo waqooyiga dalka Soomaaliya, kuwaas oo uu la beegsanayo Kooxaha argagaxisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wada-hadalladii Xalane oo lagu kala kacay iyo Khilaaf hor leh oo ka dhashay Doorashada

Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka ayaa ilaa hadda si cad u diiday soo-jeedinta guddiyada farsamada.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 12:30PM

Shirka Xalane oo soo dhammaaday iyo Mucaaradka oo isugu tegaya Hotel Airport

Madaxdii mucaaradka ee shirka ku matalaysay dhinaca kale ayaa hadda u soo jiheystay Hotel Airport.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 11:11AM