FBI-da oo Ameerikaan Al-Shabaab ka tirsan ku goobeysa 5 milyan

Image

WASHINGTON, US – Iyadda oo uu ku dhashay kuna barbaaray San Diego, sirdoonka Mareykanka ee California, ayaa rumeysan in uu yahay 37-sano jirkaan in uu yahay Ameerikaanka ugu darajada sareeya argagixisadda caalamka.

Jehad Serwan Mostafa oo dacwad ka dhan ah la gudbiyey ayaa wuxuu door hogaamineed ku leeyahay ururka Al-Shabaab taas oo geeri u sababtay rayid badan aan waxba galabsan kuna nool qaaradda hodanka ah ee Afrika.

Mostafa ayaa markii ugu horeysay 2009-kii lagu eedeeyay in uu kooxdaan ka taageero dhanka qalabka. Dacwadda cusub, waxay daaran tahay in uu hogaamiyey qarbudaad dhacay intii u dhaxeysay 2009 illaa iyo 2011-kii.

Hay'adda FBI-da ayaa waxay madaxiisa dul-dhigtay aduun dhan 5 milyan oo Doollar oo lagu abaalmarin doono cid walba oo keenta macluumaadyo horseedi kara in la qabto Mostafa oo ah "hogamiye argagixiso oo aad u khatar badan".

Hogaamiyeyaasha FBI-da ayaa ka walwalsan in saameynta Mostafa ee Mareykanka ay khatar u keeni karto Ameerikaanka sababtoo ah baaq dhowaan kasoo baxay Al-Shabaab ah ee in la beegsado Ameerikaanka ah.

"Waa waajib in aan adeegsano qalab walba si aan uga gaashaamano weerar argagixoso oo aan horey u dhicin," ayuu yiri Scott Brunner, oo ah sarkaal sarre oo ka tirsan xafiiska FBI-da ee magaaladda San Diego ee koonfurta California.

Mostafa ayaa baaqi ku ah liiska xubinta loogu raadinta badan yahay ee FBI-da. Liiskaas wuxuu ku jiraa muddo sanado ah. Saraakiisha FBI-da waxay waydiisanayaan shacabka in ay il gaar ah u hayaan isku dayadda Mostafa.

"FBI-da, xafiiska xeer-ilaalinta iyo Waaxda Arrimaha Dibadda waxay wadeen baaritaano tan iyo 2020-kii si ay u soo shaac-bixiyaan argagixiyaha," ayuu ku daray Brunner.

Wuxuu ku daray sarkaalka: "Ma ilaabi doono, mana joojin doono shaqadda, illaa iyo aan ka helno Mostafa.

Baareyaasha ayaa aaminsan in Mostafa uu hogaamiyo Waaxda qaraxyadda Al-Shabaab uuna ku lug-yeeshay dhowr weerar oo loo adeegsaday walxaha qarxa.

Waa kuma Mostafa?

Mostafa oo ku barbaaray San Diego ayaa xaadiray Jaamacadda University of California, isaga oo 2014-kii ka qalin jebiyey UCSD. Sanadkii xigay ayuu u safray Yemen iyo Soomaaliya, halkaas oo ciidamada Itoobiya uu kula dagaalamay.

Al-Shabaab ayaa wuxuu ku biiray qiyaasiyii 2006-dii, waxaana mas'uuliyiinta rumeysan yihiin in uu bilaabay in ay korodho darajadiisa argagixisonimadda.

Waqti xaadirkaan waxaa la aaminsan yahay in uu ku sugan Soomaaliya Lama carabaabin qaybta uu kaga nool yahay. Wararka waxay sheegayaan in uu ku dhuumaaleysanayo koonfurta dalka dhaca Geeska Afrika.

Dacwad oogeyaasha federaalka ee San Diego ayaa ku doodaya in weeraro ay Al-Shabaab fulisay ku dhaawacmeen xubno halkaas kasoo jeeda.

Tusaale ahaan, sanadkii 2010-kii, weerarkii is-miidaaminta ee maqaayadda Uganda ee lagu daawanayey cayaar kubadda cagta ah, waxaa kamid ahaa dadkii ku naf-waayey Ameerikaan la shaqeynayey hay'ad aan dowli ahayn.

Sanadkii 2013-kii, duulaankii lagu ekeeyay xarun ganacsi oo ku yaala Kenya ayaa waxaa lagu khaarijiyey kuna dhaawacmay muwaadin kale oo Ameerikan ah oo ka qalin jebiyey Dugsiga Sarre ee magaaladda San Diego ee gobolka California.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG : Maxaa Keenay Dib U Dhaca Kulanka Madaxda Soomaaliya?

Casumaadda degdega ah ee kulanka ayaa timi kadib markii warsidaha…

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 02:40AM

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM