Aqalka Hoose oo ansixiyey xeerka muranka dhaliyey ee doorashooyinka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanadda Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa meelmariyey sharciga muranka dhaliyey ee doorashooyinka.

Ansixinta ayaa ka dambeysay kadib kulan aan caadi ahayn oo mudaneyaasha ay ku yeesheen xaruntooda magaaladda Muqdisho, maanta oo Sabti ah.

Sidda uu shaaciyey guddoonka Aqalka Hoose, xeerkan, oo wax ka bedel lagu sameeyay, waxaa u coddeysay 170 mudane oo kulanka kasoo qeybgalay.

Shan kamid ah xubnihii kulanka kasoo muuqday ayaa diidey hindise sharciyeedka, halka laba kale ay ka aamuseen, sidda laga soo xigtay xogheynta guud ee golaha.

Shir-guddoonka oo "guul taariikhi ah" ku tilmaamay "aqlabiyad balaaran lagu ansixiyey sharciga doorashooyinka" ayaa u mahadceliyey sharci-dejiyeyaasha.

Sharcigan oo loo gudbin doono Aqalka Sare ayaa la filayaa in uu si degdeg ah uga doodo isla markaana cod u geliyo maadaama muhiim u yahay coddeynta 2020-21.

Xisbiyadda mucaaradka iyo qaar kamida maamul goboleedyadda ayaa kasoo horjeestay qodobo ku jira sharciga, iyagoo sheegay in uu "xalaaleynayo muddo kororsi".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM

Trump oo Ku Hanjabay inuu dhalashada kala noqon doono Soomaalida lagu helo falal khiyaano ah

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo la xoojinayo nidaamka socdaalka iyo amniga gudaha ee wadanka Maraykanka.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 08:54AM