Canshuur lagu soo rogayo Xildhibaanada Barlamanka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in lacago canshuur ah laga qaadi doono gunnada ay qaataan Xildhibaanada Baarlamaanka dalka  iyo shaqaalaha dowladda.

Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa warqad uu u qoray Gudoonka Gollaha Shacabka ku sheegay in wixii ka dambeeya October 2017 la bilaabi doono in canshuurista Gunnada ay qaataan Xildhibaanada.

Wasiirka ayaa sheegay in Garyaqaanka Guud ee Soomaaliya ay waydiisteen talo-bixin dhanka sharciga ah oo ku aadan in dib loogu noqdo sharcigii canshuurt dhaafta ee loo sameeyay Xubnaha Gollaha shacabka.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Somaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Bayle ayaa sidoo kale shaaciyay inuu socdo qorshe canshuur looga qaadaayo shaqaalaha ka shaqeeya Shirkadaha gaarka loo leeyahay.

Beyle ayaa xisay in hadda dadka qaar aanan laga qaadin canshuurta ku waajbtay, sababo ku aadan in shuruucda looga qaadayo iyo nidaamka hadda ay socoto, si qof waliba oo muwaadin ah oo dalka ku sugan looga qaado canshuurta.

Go'aankan ayaa imaanaya xilli ay jirto isbarbar yaac ku aadan hanaanka qaadista canshuurta maamulka Gobolka Banaadir iyo mida ay qaado Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Hoos ka akhriso Warqaddan kasoo baxday Xafiiska Wasiir Beyle:

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Wada-hadalladii Xalane oo lagu kala kacay iyo Khilaaf hor leh oo ka dhashay Doorashada

Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka ayaa ilaa hadda si cad u diiday soo-jeedinta guddiyada farsamada.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 12:30PM

Shirka Xalane oo soo dhammaaday iyo Mucaaradka oo isugu tegaya Hotel Airport

Madaxdii mucaaradka ee shirka ku matalaysay dhinaca kale ayaa hadda u soo jiheystay Hotel Airport.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 11:11AM