CC Shakuur: Waa ayaan darro in Dowladnimadii ay jabhadayn isku bedeshay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee [NISA], ayaa galabta Xabsiga kasoo daysay Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir iyo Xoghayihiisa Sayid Cali Maclin oo maanta duhurka ay xireen ciidamada dowladda.

Siyaasiyiintan hogaanka u ah Xisbiga Wadajir ayaa laga soo qabtey Hotel-ka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ugu galeen ciidamada NISA xilli ay kulan qado ku lahaayeen.

Cabdiraxmaan Cabdishkuur, oo ah aas-aasaha Xisbiga mucaaradka ah ayaa xaqiijiyay sii deynta Kamaal Guutaale iyo Sayid Cali, isagoo qoraal bartiisa Facebook kusoo qoray ku cambaareeyay xarigooda oo uu sharci darro uu ku tilmaamay.

"Waa ayaan daro in sharcigii iyo dawladnimadii ay jabhadayn isku bedeshay," ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishkuur.

Dowladda kama aysan hadlin xariga sababta ka dambaysa, kaasi oo kusoo beegmaya xilli Kamaal Guutaale oo horey usoo noqday Agaasiimaha Villa Soomaaliya uu shaaciyay dhawaan inay dacwad ka gudbiyeen mas'uuliyiintii ka dambeeyay weerarkii xarunta Xabisga.

Cabdiraxmaan Cabdishkuur oo dhawaan laga soo daayay xabsiga, ayaa wali wado inuu Baraha bulshada uu ku leeyahay soo dhigo qoraallo uu ku weerarayo Siyaasadda Xukuumadda Khayre iyo Xafiiska Madaxweynaha.

Siyaasigan oo lasoo tartamaya Farmaajo doorashadii 8-dii Febuary ayaa lagu soo rogay xayiraad ah inuusan dalka ka bixi karin inta uu socdo baaritaanka lagu hayo ee ku aadan inuu dowlado shisheeye kasoo qaatey dhaqaalo uu ku duminayo dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wada-hadalladii Xalane oo lagu kala kacay iyo Khilaaf hor leh oo ka dhashay Doorashada

Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka ayaa ilaa hadda si cad u diiday soo-jeedinta guddiyada farsamada.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 12:30PM

Shirka Xalane oo soo dhammaaday iyo Mucaaradka oo isugu tegaya Hotel Airport

Madaxdii mucaaradka ee shirka ku matalaysay dhinaca kale ayaa hadda u soo jiheystay Hotel Airport.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 11:11AM