Soomaaliya: Ciidanka Badda oo dabaal degaya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Badda Soomaaliya ayaa maanta oo Sabtid ah [10-ka Febuary] u dabaal degaya sanad guuradii 53-aad ee kasoo wareegatay aas-aaskooda.

Waxaa la adkeeyay amaanka magaalada Muqdisho, gaar ahaan saldhiga ciidamadada Badda ay degan yihiin halkaasi oo uu ka socda dabaal degga, iyadoo ay ka qeyb-galayaan mas'uuliyiin sare oo katirsan labada golle ee dowladda Federaal Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka, Jeneraal Cabdiweli Jaamac Gorod ayaa hambalyo ku aadan munaasabada u diray taliyaash ciidamada badda iyo ku xigeenadooda.

Ciidamada badda oo la aas-aasey Febuary 2, 1953-dii ayaa ku bur buray dagaalkii Sokeeye ee dalka, kaasi oo meesha ka saarey hay'adihii dowliga iyadoo 25 sano ee lasoo dhaafay aaney jirin ciidan badeed oo difaaca xeebaha dalka Soomaaliya.

Waxay qeyb ka yihiin hay'adaha ugu muhiim dalka kuwaasi oo hadda ku jira dib usoo kabasho iyo aas-aas cusub, inkastoo aysan jirin ifafaallo ku aadan inay ciidamada badda hanan karaan ilaalinta guud ahaan xeebta dheer ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM