Ciidankii Hub la galay Gollaha Shacabka oo xabsi la dhigay [DAAWO]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, Generaal Cabdiweli Jaamac "Gorod", ayaa shaaciyay in xabsiga la dhigay Koox Askar ah oo hub la galay shalay xarunta Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka.

Askartan oo tira ahaan lagu qiyaasay 45 ayaa la socday Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Maxamed Cismaan Jawaari, oo shalay la wareegay xarunta xilli Xildhibaanno iska soo horjeeda kulan ku lahaayeen.

Kulanka ayaa u baaqday fowdo dhacday kadib markii sida la sheegay Ciidamo ka amar-qaata Kooxda Jawaari u diideen Xildhibaanada kale inay galaan qabsadaan fadhi ay cod uga qaadi rabeen Mooshinka.

Jeneraal Gorod, oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in Askar ku lebisan Dareeska Militeriga iyo kuwa dhar-cad ah ay shalay gudaha xarunta ay galeen, si dhib leh looga soo saarey.

Waxa uu intaasi ku daray Gorod in ay ku raadjoogaan Askar kale oo baxsatay, kuwaasi oo qeyb ka ahaa Ciidamada amar diidada sameeyay, ee hubka la galay xarunta Gollaha Shacabka maalintii shalay.

Xildhibaano katirsan kuwa la safan Jawaari ayaa la rumaysan yahay inay hubaysan yihiin, oo ay leeyihiin Ciidamo u gaar ah kuwaasi oo lagu eedeeyay inay caqabad ku yihiin qaabsoomida kulanka Gollaha Shacabka.

Hoos ka Daawo Muuqaalka:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxaa ka socda Xalane maanta?

Diblomaasiyiinta caalamiga ah ayaa sheegay in xalinta khilaafka siyaasadeed ay tahay arrin u taalla Soomaalida.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 08:24AM

Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo ku ballansan Shirka ka dhacaya Xalane

Wakiillada beesha caalamka iyo diblomaasiyiin sar-sare ayaa soo dhex-galay dhinacyada si ay u fududeeyaan is-fahamka.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 05:09PM