DF oo ka hadashay dilka gudoomiyihii degmada Hodan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa Khamiista maanta ah waxay ku dhawaaqdey "in gacanta lagu hayo saraakiishii iyo ciidankii ku lug lahaa dilka Guddoomiyihii degmada Hodan, Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise [Dhagajuun]".

Dhagajuun ayaa xalay abaare labadii saq dhexe iyo daqiiqo waqtiga Geeska Afrika wuxuu ku dhintay rasaas ay gaarigiisu huwiyeen ciidamo ku sugnaa isgoyska Jid Mareexaan ee degmadda Howlwadaag ee gobolka Banaadir xilli uu kormeer ku jiray.

Wasiiru Dowlaha Aminga Gudaha, Farxaan Cali Axmed oo goordhow la hadlay Warbaahinta Qaranka, ayaa xusay in la tuhunsaneyaasha ay ku xiran yihiin xarunta taliska dambi-baarista ee CID-da ayna wajihi doonto cadaaladda cid kasta oo dambiga ku cadaado.

Mr Axmed oo aan shaacin tirada saraakiisha iyo askarta xabsiga loogu taxaabay kiiskan ayaa hoosta ka xariiqay in lasoo qaban doono shaqsiyaadka kale ee looga shakisan in ay ku lug-lahaayeen falkaas. Balse, ma sheegin hadii hadda ay jiraan dad baxsaday.

"Waxaan leeyahay shacabka gobolka Banaadir, shacabka degmada Hodan iyo shacabka Soomaaliyeed is-dejiya, is-dejiya, is-dejiya," ayuu Axmed ku daray. "Cadowgeena argagixisada yuusan nooga faa'iideysan is-dejiya ayaan leeyahay shacabka Soomaaliyeed".

Inkasta oo qaar badan uu kamid yahay Xildhibaan Mahad Salaad rumeysan in Dhagajuun xalay saqdii dhexe lagu dilay shirqool, wasiiru dhowlaha ayaa carabka ku dhuftay in uu ku dhintay rasaas ay ku fureen ciidanka dowlada "ayna tahay in cashar laga barto".

"Dowladda oo dhan aad ayay uga tiiraayeysan tahay arrintan, wax in laga barto ayaan isku dayaynaa," ayuu ka dhawaajiyey, isaga oo tibaaxay "Tababarka ciidamada in dib loogu laabto ayaan isku dayaynaa, askarta waxaa loo sameeyay in dadka badbaadiyaan".

Marxuumka ayaa gelinkii hore ee Arbacadii wuxuu kasoo laabtey safar dibadda ah gaar ahaan Turkiga halkaasoo caafimaad uu u doontey ka gedaal markii uu dhamaadkii November, 2020 uu ku dhaawacmay qarax ay Al-Shabaab kula eegatay isla gudaha Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo martiqaad u fidiyey madaxweynaha Tanzania

Villa Soomaaliya ayaa sheegtay in Samia Suluhu ay aqbashay casuumaada madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-04-2024

  • 04:09AM

Wariye xanuun ku soo booday xilli uu warbaahin Caalami ah warar ka aqrinayay

Xaalada caafimad ee wariyaha 56 jirka ah ayaa la shaaciyay inay ay haatan tahay mid degan.

  • Soomaliya

    27-04-2024

  • 08:29AM