Digniin laga soo saarey ciidamo "la dul-dhigay" guriga Sheekh Shariif

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka digay ciidamo uu shaaciyey in la dul-dhigay hoyga Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu tibaaxay in uu ka dambeeyo talaabadaas, wallow uusan caddeymo soo bandhigin mudanaha laga soo doorto degaanadda maamulka Galmudug.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayuu falkaas ku tilmaamay "in uu yahay dhiilo colaadeed oo aan laga fiirsan".

"Ciidamada Madaxweyne Farmaajo habeenadaan dul geynayay guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif waa dhiilo colaadeed oo aan laga fiirsan, cawaaqib xumada ka dhalatana mas’uuliyadeeda waxaa qaadaya Madaxweyne Farmaajo!" ayuu yiri Mahad.

Hadalka sharci-dejiyaha ayaa kusoo aadeysa xili muddooyinkii dambe ay taagneyd "xiisad xoogan" oo arrintaas ka dhalatay.

Madaxweynihii 7aad ee dalka ahna hogaamiyaha Madasha Xisbiyadda Qaran ayaa Muqdisho ka degan nawaaxiga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaasoo ciidamadu ku gaaf-wareegaan habeenkii.

Sikastaba, dowladda Soomaaliya iyo xafiiska Sheekh Shariif ayaanan wali wax war ah kasoo saarin dhacdooyinkaas oo lasoo wariyey labadii habeen ee lasoo dhaafay. Ciidamada waa kuwa loo yaqaan Haramcad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM