Dowladda Soomaaliya oo Hub aan QM ka warheyn soo iibsatay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si suuq madow ah Hub uga soo iibsatay Jabuuti Hub fara badan, xilli dalka ay saaran tahay wali xayiraadda hubka Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobey.

Hubkan oo gaaraya 300 oo Qoryaha AK-47 ah, 300 oo bastoolado ah, iyo Agab kale oo ciidan, sida lagu baahiyay Barnaamij-ka Gal Baarista ee ka baxa Idaacadda VOA-da laanteeda afka Soomaaliga.

Hubkaan laga soo iibiyay Jabuuti ayaa laga soo dejiyay Muqdisho 22-ka bishii June ee lasoo dhaafay, iyadoo lagu keenay diyaarad si gaar ah loo leeyahay, waxaana kadib la geeyay Bakhaar gaar ah oo aan kamid ahayn kuwa Ciidamada dowladda.

Lama oga lacagta uu ku fadhiyo Hubka, laakiin waxaa la ogaaday inuu ahaa Hub loo waday Xuutiyiinta Shiicada Yemen, kaasi oo ay ciidamadeeda Badda Jabuuti ay ku qabteen xeebaha dalkaasi, iyadoo doomo ku raran yahay.

Dowladda Federaalka ayaa laga rabey inay Hubkan ay ku wargeliso Gollaha Amaanka 5 maalmood kahor inta aysan soo iibsan, islamarkaana dalka soo gelin, balse taasi ma aysan dhicin, sida dad la socda arrimahan ay u sheegeen Garowe Online.

Ujeedka ay xukuumadda Soomaaliya usoo iibsatay Hubkaan ayaa lagu macneeyay sida Galka Baarista baahiyay, in lagu adkeeyo amaanka caasimadda, iyadoo loogu talagalay ciidamadda Xasilinta caasimadda.

Taliyaha Hay'adda Nabad Sugidda Gobolka Banaadir, nin lagu magacaabo Saadaq Joon, ayaa gacanta ku hayey mashruucan lagu soo iibayay Hubka, kaasoo illaa iyo haatan uu isaga maamulayo, sida xogta ay sheegayso.

Ciidamadda Xasilinta Caasimadda oo ka howlgala kaliya magaaladda Muqdisho ayaa ka kooban 1,500 Askari, kuwaasoo ka howlgala dhamaan Gobolka Banaadir, iyagoo hoostagaya Talis gaar ah oo loo sameeyay markii la aas-aasay.

Talaabadaan ay ku dhaqaaqday dowladda Soomaaliya waxay ka hor-imaaneysaa xanibaadda dhanka Hubka ee saaran Soomaaliya, inkasta oo dhawaan laga khafiiyay, islamarkaana loo ogolaaday inay soo iibsan karto Hubka fudud, sida AK-47.

Dowladdaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo uu xiriir la sameeyay Galka Baarista way diideen inay ka hadleen, balse, Afhayeenka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya, Cabdi Casiis Xilldhibaan wuxuu sheegay inay dhawaan ka hadli doonaan arintan.

Turkiga oo kamid ah dalalka dhanka tababarka Ciidanka ka caawiya dowladda Federaalka, islamarkaana saldhig Military ku leh Muqdisho ayaa horey hub casri ah usoo geliyay wadanka, kaasi oo lagu wareejiyay Wasaaradda Gaashaandhigga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo lagu eedeeyay abaabulka kooxo hubeysan oo lagu beegsanayo Lafagareen

Ilo xog-ogaal ah ayaa sidoo kale sheegaya in kulammo gaar ah oo ka dhacay Muqdisho ay qeyb ka yihiin qorshe siyaasadeed.

  • Soomaliya

    12-05-2025

  • 05:39AM

Garoonka Diyaaradaha Doolow oo Dib Loo Furay Kadib Xayiraad Mudo Socotay

Mudadii ay xayiraaddu jirtay, dad badan oo ka yimid gobolka Gedo ayaa la daalaa dhacayay helitaanka adeegyada caafimaad.

  • Soomaliya

    11-05-2025

  • 01:25PM