Dowladda Soomaaliya oo soo faragelisay Khilaafka Galmudug [Dhageyso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Iyadoo Khilaafka u dhaxeeya madaxda Galmudug uu noqonayo mid sii xumaanaya ayaa waxaa arrinkaas ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee xukuumada Federaalka Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye.

Khilaafka mas'uuliyiinta ugu sareysa Galmudug oo salka ku haya hanaan awood-qeybsiga ee maamulkaas iyo waliba heshiiskii dhawaan ay ku midoobaan Ahlu Sunna iyo Galmudug ayaa sababay inuu labo Garab u kala jabo maamulkaan.

Sikastaba, wasiirka oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho shalay oo Sabti ahayd ayaa wuxuu sheegay in xukuumada Federaalka isku dayeyso inay isku keento dhinacyaddaan, ayna heshiisiiso.

Wuxuu tibaaxay in dowlada qaban doonto shir lagu dhex-dhaxaadinayo labada Garb 30-ka bishan May, kaasoo uu daboolka ka qaaday inuu ka qabsoomi doono caasimada, ayna gar-wadeen ka noqon doonto dowlada Federaalka Soomaaliya.

“Madaxda dalka waa ay ka walaacsan yihiin khilaafka cusub ee soo kala dhex-galay masuuliyiinta Galmudug. Waxayna doonayaa in laga gaaro xal-waare si horumarada dalka hiig-sano loo siiwado,” ayuu ku daray Wasiirka.

Su’aasha ka taagan ayaa ah, maxay hadii ay aqbali doonan dhinacyadda khilaafka u dhaxeeyo ka yeeli doontaa Wasaaradda arrimaha Gudaha, iyadoo la ogyahay in xiriirka kala dhaxeeyo Villa Soomaaliya mid kamid ah Garabyadda uusan fiicneen.

Illaa iyo hadda ma jirto wax hadal ah oo ay kasoo saareen dhinacyadaan hadii ay soo dhaweynayaa dhax-dhaxaadinta dowlada, inkastoo la filayo inay war ay kasoo saareen, ama ay kala hadlaan warbaahinta deegaanada Galmudug.

Wafuud labo garab ah, ayaa ku kala dagay Cadaado iyo Dhuusamareeb, kadib markii ay suurta galii waysay inu kulan ku yeeshaan magaalada Muqdisho, kaasi oo dowladda garwadeen ka tahay. [Halkan ka akhri Warka].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM