Farmaajo oo agaasimihiisa madaxtooyada u magacaabey Fahad Yasiin [AKHRI]

Image

MUQDISHU- Wareegto kasoo baxdey xafiiska Madaxweynaha dowlada Federaalka Somalia ayaa agaasimaha madaxtooyada waxaa loogu magacaabey Fahad Yasiin.

Wareegtada oo ku taariikhsneyd 31/05/2017 ayaa madaxweyne Farmaajo ku sheegey in Agaasimaha Guud ee madaxtooyada Jamuuriyada Federaalka Somalia loo magacaabey Mudane Fahad Yaaaiin oo uu sheegey Inuu ku bartey karti iyo hufnaan.

Madaxweynaha Somalia ayaa u mahadceliyey Agaasimhii hore ee madaxtooyada Somalia Abuukar Daahir Cismaan "Baalle" oo uu sheegey Inuu waqti badan galiyey u adeegista dalkiisa iyo dadkiisa.

Fahad Yasiin oo kaalin wayn ka qaatey ololihii Doorashada Madaxweyne Farmaajo ayaa dhinaca kale xiriir dhow la leh wadanka Qatar.

Mr. Yasiin ayaa kamid ahaa xubnihii dhisey madaxweynihii Doorashada looga guuleyatey Xasan Shiikh balse mar dambe siyaasada ku dirirey kadib markii khilaaf soo kala dhexgaley isaga iyo Farax Cabdulqaadir oo ay wada-dhisteen dowladii majaraha ay u hayeen Damul-jadiid.

Halkaan ka akhri wareegtada Madaxweyne Farmaajo ku magacaabey Fahad Yasiin.

NB: Warsidaha GO ayaa bogiisa twitter habeenkii xalay horey ugu shaaciyey in magacaabistaan la filayo in Madaxweyne Farmaajo sameeyo malamaha soo socda.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Natiijo horey loo saadaalinayay oo kasoo baxday doorashadii Galmudug

Mucaaradka iyo qaar ka mid ah ururrada siyaasadda ayaa horey u muujiyay walaac ku saabsan hannaanka doorashada.

  • Soomaliya

    03-08-2026

  • 07:25PM

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo Dib u Celiyay Baasaboorka Kenya

Go’aankan ayaa yimid kadib markii Jibriil bishii Juun laga celiyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ee Nairobi.

  • Soomaliya

    03-08-2026

  • 02:08PM