Halista soo wajahdey jadwalka coddeynta soo aadan oo sii cuslaatay

Image

WASHINGTON, US – Hay'adda Xasaradaha Aduunka – International Crisis Group – ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka dib-dhaceyso jadwalkii ahayd in lagu qabto doorashooyinka baarlamaanka 10aad iyo madaxtinimadda.

Kooxdan fadhigeedu yahay Brussels oo caddeysay in geedi u socodka ay khatar geliyeen is-faham-waaga iyo in uusan jirin nidaam lagula tacaalo muranka natiijada coddeynta horaanta 2020 iyo dhamaadka 2021.

Wallow doodaas ay kal hore ka hor-yimaadeen xisbiyadda mucaarada, muddo kororsi bilooyin ah ayay ku talisay si looga fogaado khal-khal siyaasadeed.

Qorshaha waa in doorashadda dhacdo Febraayo, balse waxaa is-qabqabsi ka taagan yahay guddiyadii maamuli lahaa oo xisbiyada mucaaradka sheegeen in badi xubnaha ku jira ay yihiin saraakiil sirdoon iyo shaqaale.

Murashaxiita oo qoraal wadajir ah soo saarey ayaa xusay in tani ay meesha ka saareyso dhexdhexaadnimada iyo kalsoonida lagu qabi karo guddiyadda iyagoo ku adkeystay in aysan aqbali karin doorasho loo qaabeeyay boob.

Sidda uu xeerinayo heshiiska ay kala saxiixdeen dowladda iyo maamulada, doorashada 2020-21 ayaa ka dhaceysa laba magaalo waxaana kursigii ama halkii Xildhibaan soo dooranaya ergo ay wadartoodu gaareyso 101.

Wadarta guud ee labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya waa 334 kuwaasoo 275 kamid ah ay yihiin Aqalka Hoose, halka 59 yihiin Aqalka Sarre.

Jadwalkii doorasho ee hogaamiyeyaasha maamuladda iyo dowladda isku raaceen 1-dii October wuxuu xeerinayey in xulista Xildhibaanadda bilaabaneyso 1-da November iyo in guddiyada lasoo dhiso 10 illaa 20 bisha October.

Wallow guddiyadda lagu soo magacaabay waqti ka dambeeya goortii lagu ballamay, haddana waxaa la degay is-qabqabsiga haatan taagan taasoo meesha ka saaray balantii ahayd in Xildhibaanada la doorto 1-da November.

Xilli xalka uu ku jiro wadahadal dhab ah oo madaxda ka yeelato xaaladan soo korortay, haddana hadii talaabadaas u dhaqaaqi waayaa waxay xoojineysaa khatarta in uu xilligiisa ku fulo jadwalka taasoo dib-u-dhac keeneysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM

QM oo ku baaqday in Soomaaliya dib u eegto sharciyada la-dagaalanka argagixisada, xilli xasaasi ah

Wuxuu xusay in dambiyo aan dil la xiriirin ay haddana keeni karaan xukun dil ah, taasoo aan la jaanqaadayn shuruucda caalamiga ah.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:09AM