ICRC oo xaqiisay in shaqaale looga afduubay Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya - Hay'adda ICRC ayaa xaqiijisay in mid kamid ah shaqaalaheeda lagu afduubay xalay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Ku xigeenka madaxa ICRC ee xafiiskeeda Soomaaliya, Daniel O'Malley ayaa sheegay in Gabadha la afduubay ahayd Kalkaaliye caafimaad, oo dhalatay dalka Jarmalka.

"Aad baan uga walaacsanahay badqabka gabadha nala shaqeynaysay," ayuu yiri Daniel O'Malley, isagoo intaasi ku daray in ay xiriiro arintan kala sameeyeen Saraakiisha amniga dowladda Soomaaliya.

Afduubka ayaa dhacay xalay abaare 8 p.m. waqtiga Muqdisho kadib markii koox hubaysan ay galeen xarunta ICRC ee ku taalla nawaaxiga Isgoyska Zoobe, dhinaca degmada Wadajir.

"Waxay ahayd Kalkaaliye caafimaad oo maalin walba ka shaqeynaysay badbaadinta iyo sare u qaadista caafimaadka shacabka danta yar ee Soomaaliya," ayuu War Saxaafadeed ku yiri Daniel O'Malley.

ICRC ayaa ku baaqday in si deg deg ah oo shuruud la'aan ah lagu sii daayo gabadhan la shaqeynaysay, waxaana hay'adda ka gaabsatay inay fahfaahin dheeraad ah ka bixiso afduubka.

Wararka kale ee Warsidaha Garowe Online uu ka helay qaar kamid ah Shaqaalaha Soomaalida ICRC ayaa sheegaya in afduubka ay ku lug leeyihiin rag katirsan ilaalada amaanka Hay'adda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxaa ka socda Xalane maanta?

Diblomaasiyiinta caalamiga ah ayaa sheegay in xalinta khilaafka siyaasadeed ay tahay arrin u taalla Soomaalida.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 08:24AM

Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo ku ballansan Shirka ka dhacaya Xalane

Wakiillada beesha caalamka iyo diblomaasiyiin sar-sare ayaa soo dhex-galay dhinacyada si ay u fududeeyaan is-fahamka.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 05:09PM