Khasaaraha Qaraxii ka dhacay Muqdisho oo kordhay [DAAWO]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahfaahin iyo warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxii ka dhacay galabta irida Hotel Wehliye, ee magaalada Muqdisho, kaasi oo mas'uuliyadiisu sheegatay Al Shabaab.

Qaraxa oo dhacay abaare 4:30 p.m. waqtiga Geeska Africa, waxaana loo adeegsaday Gaari nooca SURF oo la dhigay afaafka Hotel Wehliye oo ku yaalla inta u dhacaysa Isgoysyada Dabka iyo Sayid ee Muqdisho.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga gudaha Cabdicasiis Xildhibaan oo goobta Warbaahinta kula hadlay ayaa xaqiijiyay dhimashada 14 qof iyo dhaawaca tiro intaasi ka badan, kuwaasi oo dhamaan ahaa shacab.

Wararka qaar ayaa sheegaya in khasaaraha uu intaasi ka badan yahay, oo 18 gaarayaan.

Khasaaraha waxa uu gaarey dad fadhiyayy goob Makhaayad ah, oo ku dhinac taalla Hotel Wehliye, shacab kale oo saarnaa Mootooyinka Bajaaj-ta iyo kuwa wadada lugeynayay, sida ay laamaha amnigu sheegeen.

Muuqaallo laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya burbur xooggan oo soo gaarey goobihii Ganacsiga ee ku teedsanaa Wadada qarkeeda, dhowr Bajaaj iyo baabuurta raaxadda oo gubatay iyo dhiig dhulka daadsan.

Qarax ayaa lagu soo beegay xilli wadada ay mashquul tahay, oo dadka ay shaqooyinka kasoo laabanayeen, iyadoo kuwa badana ay Goobo Makhaayado ah oo meesha ku yaalla ay shaah ka cabayeen.

Gawaarida gurmadka degdega ee Ambalaasta loo yaqaano ayaa goobta gaaray kuwaaso oo qaaday dadkii ku dhaawacmay qaraxa oo la dhigay xaruumaha Caafimaadka magaalada Muqdisho.

23-kii Bishii February ayaa labo qarax oo waaweyn iyo weerar toos ah waxay ka dhaceen meel ku dhaw Villa Soomaaliya, aqalka Madaxtooyadda kuwaasi oo ay ku dhinteen 45 qof, oo isagu jiray shacab iyo Askar.

Hoos ka daawo Muuqaal Garowe Online kasoo duubay Goobta:

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo heshiisyo ballaaran kala saxiixdey

Heshiisyadan ayaa qeyb ka ah Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre.

  • Soomaliya

    07-05-2024

  • 03:19AM

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo loogu soo dhaweeyey Magaalada Nairobi

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, iyo horumarinta iskaashiga.

  • Soomaliya

    06-05-2024

  • 09:15AM